Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”
Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan” Hordhac Xaalada Soomaaliya Soomaaliya, waa dal kasoo kabanaya dhibaatooyin badan oo ay u gaysteen dhinacyo badan, waxana ugu horeeyay dhibaatoyinkaas hogaamiye kooxeedyo, waxaa xigay dowlado shisheeye oo iyaguna dhibaatada aad u taban taabay, waxaa inoo xigay dowlado kumeel gaar ah oo u qaabaysan qaab qabiileed laguna saleeyay hab afar dhibic shan, wadaad beenaale dhibtii uu ina baday aan wali xal loo helin, waxaa intaa dhex boodayay ganacsato dhiigmiirato ah, siyaasi mashiixe ah, oday dab huriye ah, intaas oo dhibaatooyin kadib dalku waxa uu cagaha saaray wado aan is dhihi karno manta waa tii horseedi lahayd horumar iyo barwaaqo walibana ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro ka madax fiyoow inta aan soo sheegnay. Ujeedada Qormada iyo Dareenkayga Qormadan waxay ku qotontaa fikrado wax dhisaya oo aanaay ku jirin kuwo wax...