Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”
Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka
Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta
Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”
Hordhac Xaalada Soomaaliya
Soomaaliya, waa dal kasoo kabanaya dhibaatooyin badan oo ay
u gaysteen dhinacyo badan, waxana ugu horeeyay dhibaatoyinkaas hogaamiye
kooxeedyo, waxaa xigay dowlado shisheeye oo iyaguna dhibaatada aad u taban
taabay, waxaa inoo xigay dowlado kumeel gaar ah oo u qaabaysan qaab qabiileed
laguna saleeyay hab afar dhibic shan, wadaad beenaale dhibtii uu ina baday aan
wali xal loo helin, waxaa intaa dhex boodayay ganacsato dhiigmiirato ah,
siyaasi mashiixe ah, oday dab huriye ah, intaas oo dhibaatooyin kadib dalku
waxa uu cagaha saaray wado aan is dhihi karno manta waa tii horseedi lahayd
horumar iyo barwaaqo walibana ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro ka madax fiyoow
inta aan soo sheegnay.
Ujeedada Qormada iyo Dareenkayga
Qormadan waxay ku qotontaa fikrado wax dhisaya oo aanaay ku
jirin kuwo wax duminaya, qaaraankan dadka laga aruurin doono waxay noqon karaan
kuwo aad loogu hami wayn yahay, haddi miraayada laga jabiyo dadka hamigoodana
waxaa dhici doonta in dadku is aami waayaan wax danbe oo laysla leeyahayna
aanay shaqaynin, marka qormadanu waxay aad u taxliilin doontaa daahana ka rogi
doontaa waxyaabo badan oo aanu kasoo aruurinay dad dhaxal gal u ah mashruucan.
Waxaa uu ku kooban yahay fikirkaanu, mashruucan loogu magac
daray fursadfund, balse anigu aan dhihi lahaa qaaraaan qaran horeyna uu ugu
dhawaaqay rugcadaa siyaasadeed “Farmaajo” mashruucan waxaa aas aasay siyaasi
can ah kana mid ah dowlada iminka jirta ee federalka ah, waxa la daah furay
mashruucan 28kii bishan February waxaana lagu casuumay dad siyabo kala duwan
dalka iyo dadka ugu dhex muuqday wayihii kala guurka, mashruucan waxa laga
bilaabay magalada caasimada ah ee dalka soomaaliya ee Mogadishu.
Haddaba Maxaa Laga Yiri Mashruucan iyo Sida
ay u Arkaan Dadka Indhoyar Garadka ah.
Mohamed deeq taako waa aqoon yahan soomaaliyeed haystana
darajada labaad ee masterka wax badana usoo joogay mashruucyo nuucan ah oo
fashilmay kafiirsi la’aan iyo iska waraysi la’aan waxa uu ka yiri mashruucan
“Sheikh ahow am axil dowladeed haay shillin kuguma aaminayo adiga oo aan is
turxaan bixinin” Abdikarim Fagaase, “isagu waxa uuba aaminsanyahay in
mashruucan uuba yahay mid xatooyo ah” sidoo kale mashruucan waxa wax ka yiri
Cabaas Maxamed Cabdi isagu waxa uu qabaa “Mashruucan in uu yahay mid aad u
wanaagsan mid soomaaliyeedna uu yahay balse Ma aaminsano mashruucan in uu 60%
xitaa 50% in uusan aamin sanayn in uu guul yahay” lkn waxa uu ku taageerayo ay
tahay in saaxiibadii wadaan oo uusan rabin in uu mashrucaas isaga eersado”
aqoonyano kale oo badan oo uu ku jiro Maxamed Caynte aya qaba “in mashruucan u
baahanyahay in la turxaanbiyo sida in lacadeeyo masuuliyada haddi ay wax
halabaan iyo awooda laxasaabtami karta haddi la lunsado hantida shacabka laga
aruuriyay”
Sheekooyinka Laga Sameeyay Mashruucan
Mahubsade, “waa nin dhalinyaro ah labo mar ayuu ka qayb
galay mashruucan sida uu isagu inoo sheegay balse mashruucan hindisihiisu waxa
uu soo soconayay muddo ka badan sideed bilood, abaas faah faahin ka badan
kaqayb galkiisa labada maalmood wax ka dheeri ah ma haysto balse hadda waxa uu
isku dayayaa suaal kasta ee mashruucan ah in uu ka jawaabo. Is waydiiyoo dib u
qooraanso 2005 waxaa jiray masaajido ku yaala magaalada oo ay hormuud ka ahaan
jireen culumo u diin waxaa ku xirnaa dad ka dhagaysta cilmiga aadna ugu
jalbaysan sheekha, haddaba wagaas haddad u baahato in aad suaal waydiiso
sheekha waxaa dhici jirtay in ardaydii sheekha ka dhagaysanaysay cilmiga iyagu
laf ahaatooda ayba kaga horeeyan ka jawaabida suaalaha sheekha lawaydiiyo”.
Sheeko kale ayaa jirtay waxaa jira saaxiibkeen xaaji degdeg
“waxaa u ka mid noqday dadka ugu horeeyay ee mashruucan ku qancay isaga oo aan
ogaan ujeedka iyo waxa ka danbeeya ayuu lacagtii bixiyay, saaxiibkeen waa nin
wanaaga jecel waana nin neceb guul darada haddii laguul daraysanayana waxa uu
aad u jecel yahay in uusan kali ku ahaanin markaa guul darada waxaa uu geed
dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu ka dhaadhiciyo dhalinta mashruucaan balse
wali kuma guulaysan oo dadku waxay haystaan sheekadii juxa ninkii la dhihi
jiray ee xikmada badnaa, juxa waxa uu ahaa nin aad u caqli badan maalin ayay
saaxiibkii isa soo raaceen una soo jihaysteen dukaan wayn oo magaalada ku yaala
waa ay soo galeen waxayna indhahoodu qabatay dahab aah u fara badan oo markaa
iyagu ay iska dhaadhiciyeen in uu dagan yahay balse aad loo ilaaliyay oo wagaas
technologiyada ayaa bilaw ahyd, juxa iyo saxiibki waxay ku balameen in aanu
seegin dahabkaa oo ay soo qaataan, juxa ayaa la hormaray gacanta waxa uuna la
aaday halkii uu ku malaynayay dahabka balse nasiib daro waa inagaa sheegnaye
waxaa kasoo hor maray ilaaladii oo gacantii ayaa laga jaray "kaw"
juxa waa uu guuldaro necbaa waxa uu saxiibkii ku yiri warheedhe laba gacmood
kusoo qabo aniga tayda waxbadan kuma soo qaadine, saxiibkii maanu hubsanin ee
labadii gacmood ayuu la aaday isaguna waana laga wada gooyay labadii gacmood
"kaw isagiina" war dheehe maxaad sidan ii yeeshay ayuu ku cabaaday
saxiibkii juxana jawaabtiisu waxay noqotay anigaba saxiib waa ikaas, haddaba
howshu yaanay naga noqon waan jabnaye hanalala jabo”.
Qormadan waxaan u adeegsaday hab waafaqsan qormooyinka
caadiga ah waxaana isticmaalay qaab la xariira waraysiyo dadku sida ay u arkaan
mashruucan, suaalo iyo indho indhayn, waxaana ku saleeyay natiijada kasoo bixi
doonta qaab cilmiyaysan, Haddaba waraysiyada aan la yeeshay dadka, waxay isugu
jiraan waayeel, dhalinyaro, haween, ganacsato, iyo dhamaan bulshada qaybaheeda
sida aqoon yahanada, ardayda, macalimiin, iyo siyaasiyiinta. Sualaha aan dadka
waydiinayay waxay ahaayeen kuwaan hoos ku xusan:
1. Mashruucan fursadfund
A. Mashruuc loo baahanyahay
B. Aan loo baahnayn
C. Xiligiisa aan lagarin
Haddaba natiijada inooga soo baxday sualahaas
ayaa waxay noqotay sidaan

A. 87%,
B. 1%, C. 12%
2. Mashruucyo badan ayaa jiray sida Qaaran Qaran oo uu lahaa
fikirkeeda Farmaajo kana caynte ayaa wada maxaa kaaga muuqda
A. Mid siyaaadeed
B. Mid xisbiyeed
C. Mid khayr Qaba
Suasha labad jawaabteeduna waxay noqotay
sidaan

A. 51%, B. 37%, C.12%
3. Mashruucan waxa uu kusoo aaday xilli doorasho fooda inagu
soo hayso maxaad is leedahay
A. Mid dhaaqlo aruursi
B. Mid dadka lagu jahwareerin
C. Mid xisbi cusub lagu abuuri
Suasha sedexaad natiijadeenuna waxay noqotay
sidaan

A. 50%, B. 15%, C.35%
4. Waxaa jira mashruucyo iskaa wax u qabso ah oo hadda kasocda
degmooyinka qaar oo ay kamid yihiin dhismayaasha wadooyinka bal kanu ma yahay
A. Mid lagu xoojinayo
B. Mid lagu burburinayo
C. Mid ka madax banaan
Suasha ugu danbaysa ee afarad ee aan dadka lawadaagay
waxay natijadu ahayd sidan

A. 24%, B. 37%, C. 47%
Waxaan sidoo kale u kuurgalnay bal guuxa dadwaynaha, inaga
oo ka eegayna bal dadku waxa ay ka qabaan iyo sida ay la tahay mashruucan,
waxyaabaha aan hiigsanayaa waxay ahayd bal dadku waxa ay kala socdaan
maahruucan iyo qaabka loo dhisay bal in uu u qabaysan yahay si NGO, si qaab xibiyadeed
iyo in uu yahay mashruuc dadwayne, inta badan dadka aan lakulmay waxa ay ii
sheegayan in uu mashruucanu yahay mid aan buuxinin kaalintii laga filayay ee
qaab bulsho wada leedahay waxaana si toos ah uga dhex muuqanaysa hab
xisbiyeeysan una muuqda mid looguba tala galay doorashada 2016 ee inagu soo
aadan.
Dhanka kale waxaa isa soo taraya hadal haynta iyo
daleecaynta loo jeedinayo Fursad Fund, taas oo aad ku arkayso dhammaan baraha
bulshada iyadoo bulshada guddaha iyo qurba joogta intaba ay isku mid ah u
dhaleecaynayaan, baan isku dayay asxaab badan oo heerka labaad ee jaamacada
kaga baxay dalka iyo dibada intaba oo qayb ka ah u ololaynta mashruucan baan la
xiriiray si aan wax uun uga ogaado, waxaana ogaaday in intooda badan aysan
fikir badan xitaa ka haysan, isla markaana ay u ololaynyaan. Marka laga soo tago,
qaab dhismeedka Fursad Fund (Sideey ku timid, maxaa la qaban, yaa qaban,
goormee la qaban, xeer ma jiraa loo noqdo hadii khilaaf dhaco IWM) su'aalaha
aan qabo waxa ay ahaayeen kuwaan:-
1.
Maadaama waxa laga hadlayaa ay lacag yihiin,
waxaa haboon in ay jirtaa sabab loo dhiibo Aad shaqo abuurtide shaqooyin aad
diyaariseen oo aad maalgelinaysaan oo ahmiyad tirada kaw iyo labo aad u kala
fadilaysaan oo miiska saaran miyaa jira? Ma qofka muwaadinka shaqo la'aanta
hayso baa la imaan fikir isaga loo maalgeliyo oo waxaa jiraya qaab aad lacag ku
amaahinaysaan, dibna si tartiib ah looga soo celinayo ilaa uu cagahiisa isku
taago?
2.
Lacag
uunbaan bixiyaa si shaqo aan la aqoon ugu abuuro walaalkeey aan shaqayn?
dhammaan su'aalahaas waan u waayay jawaab aan ku qanco,
dadka iyagoo qaarkood qabo iskuul dhaqaale ama maamul bay kugu oranayaan ha
hordhicin ee qiimee natiijada, ma waxaa laydin carbiyay markaad maamulka
baranayseen inaad marka howli dhamaato kaliya qiimaysaan, mise inta aysan
bilaaban inaad dhinacyo badan ka eegtaan iyo inta ay socoto inaad fahmi kartaan
halka wax ka jiraan oo shaqadoo istaagin lagu dhex saxo kadibna marka uu
idlaado la qiimeeyo. dadka qaar waxay igu dhaheen in dadka la gargaaro miyaad diidantahay,
shilinkaada hayso marka waxaan codsan lahaa in horta qoraal gacan qabsi ah oo
inta wax aqrisa ka shaafiyo arimahaan la sameeyo, kadibna dadka qaybta ka ah
ololaha loo deeqsiiyo igyaga ahmiyada mashruuca iyo ujoodooyinkiisa si ay
dareenka shacabka ula fal-galaa
Natiijada waxyaabaha aan ka helnay waxyaabihii aan soo
aruurinayay iyo waliba talooyinka ku aadan mashruucyada nuucan ah ee ku
salaysan laablakaca iyo nin jeclaysiga,
1. in mashrucan uu ahaado marka hore mashruuc dad wayne ee aanu ahaan mid gaar loo leeyahay.
2. in mashruucyada nuucaan ah ay u baahan yihiin feejignaan dheeri ah kuna salaysan hab cilmiyeed laga baaran degay ee aanu noqon mid lagu degdegay sida hadaba muuqanaysa.
3. mashruucyada nuucan ah ee dadwaynuhu leeyihiin waa in uu ka madax bananadaa dhaman wax kasta oo hami siyaasadeed leh, kii uu galo hamigaasna laga wareeriyo masuuliyda uu kahayo.
4. mashruucan iyo mashruucyo kale oo dadku leeyihiin waxaa burburin kara dadka kashqaynaya waa haddii aan lagu xulin karti iyo hufnaan lagu qiyaasayo waxqabadkiisi hore kuna salaysan wadaniyad.
Gunaanad
Soomaalidu waa dad aad u wanaagsan markii laga hadlayo
bixinta ama noolaynta qofka bini aadamka, waana halka albaab ee hadda u ifaya
ama u furan sababtoo ah hadda ma jiro qof soomaali ah oo maanta fiirsanaya qof
kale oo soomaali ah oo dhibaataysan, is aaminaada kaliya ee soomaaliya u hartay
waa ha lays caawimo iyadii haddii la lamarin habaabiyana waxa muuqdaa waxay
noqonayaan waa nalkaas hala damiyo uun, waxaan ognahay dalkaan iyo dadkaan
maanta qof kasta oo soomaali ah waxaa ka saaran masuuliyad waliba mid aad u
wayn, marka dhankaaga yaanay ka liicin oo yaanay xumuhu ka imaan maahmaah ayaa
ahayd "talo adigaa kunool ee iyadu kuguma noola" talooyinku yaanay
kula xumaan oo "labaatan jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka
boodaaye" hanoqon labaatan jir.
Comments
Post a Comment