Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”

Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”

Hordhac Xaalada Soomaaliya
Soomaaliya, waa dal kasoo kabanaya dhibaatooyin badan oo ay u gaysteen dhinacyo badan, waxana ugu horeeyay dhibaatoyinkaas hogaamiye kooxeedyo, waxaa xigay dowlado shisheeye oo iyaguna dhibaatada aad u taban taabay, waxaa inoo xigay dowlado kumeel gaar ah oo u qaabaysan qaab qabiileed laguna saleeyay hab afar dhibic shan, wadaad beenaale dhibtii uu ina baday aan wali xal loo helin, waxaa intaa dhex boodayay ganacsato dhiigmiirato ah, siyaasi mashiixe ah, oday dab huriye ah, intaas oo dhibaatooyin kadib dalku waxa uu cagaha saaray wado aan is dhihi karno manta waa tii horseedi lahayd horumar iyo barwaaqo walibana ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro ka madax fiyoow inta aan soo sheegnay.

Ujeedada Qormada iyo Dareenkayga
Qormadan waxay ku qotontaa fikrado wax dhisaya oo aanaay ku jirin kuwo wax duminaya, qaaraankan dadka laga aruurin doono waxay noqon karaan kuwo aad loogu hami wayn yahay, haddi miraayada laga jabiyo dadka hamigoodana waxaa dhici doonta in dadku is aami waayaan wax danbe oo laysla leeyahayna aanay shaqaynin, marka qormadanu waxay aad u taxliilin doontaa daahana ka rogi doontaa waxyaabo badan oo aanu kasoo aruurinay dad dhaxal gal u ah mashruucan.
Waxaa uu ku kooban yahay fikirkaanu, mashruucan loogu magac daray fursadfund, balse anigu aan dhihi lahaa qaaraaan qaran horeyna uu ugu dhawaaqay rugcadaa siyaasadeed “Farmaajo” mashruucan waxaa aas aasay siyaasi can ah kana mid ah dowlada iminka jirta ee federalka ah, waxa la daah furay mashruucan 28kii bishan February waxaana lagu casuumay dad siyabo kala duwan dalka iyo dadka ugu dhex muuqday wayihii kala guurka, mashruucan waxa laga bilaabay magalada caasimada ah ee dalka soomaaliya ee Mogadishu.

Haddaba Maxaa Laga Yiri Mashruucan iyo Sida ay u Arkaan Dadka Indhoyar Garadka ah.
Mohamed deeq taako waa aqoon yahan soomaaliyeed haystana darajada labaad ee masterka wax badana usoo joogay mashruucyo nuucan ah oo fashilmay kafiirsi la’aan iyo iska waraysi la’aan waxa uu ka yiri mashruucan “Sheikh ahow am axil dowladeed haay shillin kuguma aaminayo adiga oo aan is turxaan bixinin” Abdikarim Fagaase, “isagu waxa uuba aaminsanyahay in mashruucan uuba yahay mid xatooyo ah” sidoo kale mashruucan waxa wax ka yiri Cabaas Maxamed Cabdi isagu waxa uu qabaa “Mashruucan in uu yahay mid aad u wanaagsan mid soomaaliyeedna uu yahay balse Ma aaminsano mashruucan in uu 60% xitaa 50% in uusan aamin sanayn in uu guul yahay” lkn waxa uu ku taageerayo ay tahay in saaxiibadii wadaan oo uusan rabin in uu mashrucaas isaga eersado” aqoonyano kale oo badan oo uu ku jiro Maxamed Caynte aya qaba “in mashruucan u baahanyahay in la turxaanbiyo sida in lacadeeyo masuuliyada haddi ay wax halabaan iyo awooda laxasaabtami karta haddi la lunsado hantida shacabka laga aruuriyay”

Sheekooyinka Laga Sameeyay Mashruucan
Mahubsade, “waa nin dhalinyaro ah labo mar ayuu ka qayb galay mashruucan sida uu isagu inoo sheegay balse mashruucan hindisihiisu waxa uu soo soconayay muddo ka badan sideed bilood, abaas faah faahin ka badan kaqayb galkiisa labada maalmood wax ka dheeri ah ma haysto balse hadda waxa uu isku dayayaa suaal kasta ee mashruucan ah in uu ka jawaabo. Is waydiiyoo dib u qooraanso 2005 waxaa jiray masaajido ku yaala magaalada oo ay hormuud ka ahaan jireen culumo u diin waxaa ku xirnaa dad ka dhagaysta cilmiga aadna ugu jalbaysan sheekha, haddaba wagaas haddad u baahato in aad suaal waydiiso sheekha waxaa dhici jirtay in ardaydii sheekha ka dhagaysanaysay cilmiga iyagu laf ahaatooda ayba kaga horeeyan ka jawaabida suaalaha sheekha lawaydiiyo”.
Sheeko kale ayaa jirtay waxaa jira saaxiibkeen xaaji degdeg “waxaa u ka mid noqday dadka ugu horeeyay ee mashruucan ku qancay isaga oo aan ogaan ujeedka iyo waxa ka danbeeya ayuu lacagtii bixiyay, saaxiibkeen waa nin wanaaga jecel waana nin neceb guul darada haddii laguul daraysanayana waxa uu aad u jecel yahay in uusan kali ku ahaanin markaa guul darada waxaa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu ka dhaadhiciyo dhalinta mashruucaan balse wali kuma guulaysan oo dadku waxay haystaan sheekadii juxa ninkii la dhihi jiray ee xikmada badnaa, juxa waxa uu ahaa nin aad u caqli badan maalin ayay saaxiibkii isa soo raaceen una soo jihaysteen dukaan wayn oo magaalada ku yaala waa ay soo galeen waxayna indhahoodu qabatay dahab aah u fara badan oo markaa iyagu ay iska dhaadhiciyeen in uu dagan yahay balse aad loo ilaaliyay oo wagaas technologiyada ayaa bilaw ahyd, juxa iyo saxiibki waxay ku balameen in aanu seegin dahabkaa oo ay soo qaataan, juxa ayaa la hormaray gacanta waxa uuna la aaday halkii uu ku malaynayay dahabka balse nasiib daro waa inagaa sheegnaye waxaa kasoo hor maray ilaaladii oo gacantii ayaa laga jaray "kaw" juxa waa uu guuldaro necbaa waxa uu saxiibkii ku yiri warheedhe laba gacmood kusoo qabo aniga tayda waxbadan kuma soo qaadine, saxiibkii maanu hubsanin ee labadii gacmood ayuu la aaday isaguna waana laga wada gooyay labadii gacmood "kaw isagiina" war dheehe maxaad sidan ii yeeshay ayuu ku cabaaday saxiibkii juxana jawaabtiisu waxay noqotay anigaba saxiib waa ikaas, haddaba howshu yaanay naga noqon waan jabnaye hanalala jabo”.
Qormadan waxaan u adeegsaday hab waafaqsan qormooyinka caadiga ah waxaana isticmaalay qaab la xariira waraysiyo dadku sida ay u arkaan mashruucan, suaalo iyo indho indhayn, waxaana ku saleeyay natiijada kasoo bixi doonta qaab cilmiyaysan, Haddaba waraysiyada aan la yeeshay dadka, waxay isugu jiraan waayeel, dhalinyaro, haween, ganacsato, iyo dhamaan bulshada qaybaheeda sida aqoon yahanada, ardayda, macalimiin, iyo siyaasiyiinta. Sualaha aan dadka waydiinayay waxay ahaayeen kuwaan hoos ku xusan:

1. Mashruucan fursadfund
A. Mashruuc loo baahanyahay
B. Aan loo baahnayn
C. Xiligiisa aan lagarin

Haddaba natiijada inooga soo baxday sualahaas ayaa waxay noqotay sidaan
A.     87%, B. 1%, C. 12%

2. Mashruucyo badan ayaa jiray sida Qaaran Qaran oo uu lahaa fikirkeeda Farmaajo kana caynte ayaa wada maxaa kaaga muuqda
A. Mid siyaaadeed
B. Mid xisbiyeed
C. Mid khayr Qaba

Suasha labad jawaabteeduna waxay noqotay sidaan
A.    51%, B. 37%, C.12%

3. Mashruucan waxa uu kusoo aaday xilli doorasho fooda inagu soo hayso maxaad is leedahay
A. Mid dhaaqlo aruursi
B. Mid dadka lagu jahwareerin
C. Mid xisbi cusub lagu abuuri
  
Suasha sedexaad natiijadeenuna waxay noqotay sidaan
A.    50%, B. 15%, C.35%

4. Waxaa jira mashruucyo iskaa wax u qabso ah oo hadda kasocda degmooyinka qaar oo ay kamid yihiin dhismayaasha wadooyinka bal kanu ma yahay
A. Mid lagu xoojinayo
B. Mid lagu burburinayo
C. Mid ka madax banaan

Suasha ugu danbaysa ee afarad ee aan dadka lawadaagay waxay natijadu ahayd sidan
A.    24%, B. 37%, C. 47%

Waxaan sidoo kale u kuurgalnay bal guuxa dadwaynaha, inaga oo ka eegayna bal dadku waxa ay ka qabaan iyo sida ay la tahay mashruucan, waxyaabaha aan hiigsanayaa waxay ahayd bal dadku waxa ay kala socdaan maahruucan iyo qaabka loo dhisay bal in uu u qabaysan yahay si NGO, si qaab xibiyadeed iyo in uu yahay mashruuc dadwayne, inta badan dadka aan lakulmay waxa ay ii sheegayan in uu mashruucanu yahay mid aan buuxinin kaalintii laga filayay ee qaab bulsho wada leedahay waxaana si toos ah uga dhex muuqanaysa hab xisbiyeeysan una muuqda mid looguba tala galay doorashada 2016 ee inagu soo aadan.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya hadal haynta iyo daleecaynta loo jeedinayo Fursad Fund, taas oo aad ku arkayso dhammaan baraha bulshada iyadoo bulshada guddaha iyo qurba joogta intaba ay isku mid ah u dhaleecaynayaan, baan isku dayay asxaab badan oo heerka labaad ee jaamacada kaga baxay dalka iyo dibada intaba oo qayb ka ah u ololaynta mashruucan baan la xiriiray si aan wax uun uga ogaado, waxaana ogaaday in intooda badan aysan fikir badan xitaa ka haysan, isla markaana ay u ololaynyaan. Marka laga soo tago, qaab dhismeedka Fursad Fund (Sideey ku timid, maxaa la qaban, yaa qaban, goormee la qaban, xeer ma jiraa loo noqdo hadii khilaaf dhaco IWM) su'aalaha aan qabo waxa ay ahaayeen kuwaan:-
1.      
      Maadaama waxa laga hadlayaa ay lacag yihiin, waxaa haboon in ay jirtaa sabab loo dhiibo Aad shaqo abuurtide shaqooyin aad diyaariseen oo aad maalgelinaysaan oo ahmiyad tirada kaw iyo labo aad u kala fadilaysaan oo miiska saaran miyaa jira? Ma qofka muwaadinka shaqo la'aanta hayso baa la imaan fikir isaga loo maalgeliyo oo waxaa jiraya qaab aad lacag ku amaahinaysaan, dibna si tartiib ah looga soo celinayo ilaa uu cagahiisa isku taago?
2.      Lacag uunbaan bixiyaa si shaqo aan la aqoon ugu abuuro walaalkeey aan shaqayn?
dhammaan su'aalahaas waan u waayay jawaab aan ku qanco, dadka iyagoo qaarkood qabo iskuul dhaqaale ama maamul bay kugu oranayaan ha hordhicin ee qiimee natiijada, ma waxaa laydin carbiyay markaad maamulka baranayseen inaad marka howli dhamaato kaliya qiimaysaan, mise inta aysan bilaaban inaad dhinacyo badan ka eegtaan iyo inta ay socoto inaad fahmi kartaan halka wax ka jiraan oo shaqadoo istaagin lagu dhex saxo kadibna marka uu idlaado la qiimeeyo. dadka qaar waxay igu dhaheen in dadka la gargaaro miyaad diidantahay, shilinkaada hayso marka waxaan codsan lahaa in horta qoraal gacan qabsi ah oo inta wax aqrisa ka shaafiyo arimahaan la sameeyo, kadibna dadka qaybta ka ah ololaha loo deeqsiiyo igyaga ahmiyada mashruuca iyo ujoodooyinkiisa si ay dareenka shacabka ula fal-galaa

Natiijada waxyaabaha aan ka helnay waxyaabihii aan soo aruurinayay iyo waliba talooyinka ku aadan mashruucyada nuucan ah ee ku salaysan laablakaca iyo nin jeclaysiga,
1. in mashrucan uu ahaado marka hore mashruuc dad wayne ee aanu ahaan mid gaar loo leeyahay.
2. in mashruucyada nuucaan ah ay u baahan yihiin feejignaan dheeri ah kuna salaysan hab cilmiyeed laga baaran degay ee aanu noqon mid lagu degdegay sida hadaba muuqanaysa.
3. mashruucyada nuucan ah ee dadwaynuhu leeyihiin waa in uu ka madax bananadaa dhaman wax kasta oo hami siyaasadeed leh, kii uu galo hamigaasna laga wareeriyo masuuliyda uu kahayo.
4. mashruucan iyo mashruucyo kale oo dadku leeyihiin waxaa burburin kara dadka kashqaynaya waa haddii aan lagu xulin karti iyo hufnaan lagu qiyaasayo waxqabadkiisi hore kuna salaysan wadaniyad.

Gunaanad
Soomaalidu waa dad aad u wanaagsan markii laga hadlayo bixinta ama noolaynta qofka bini aadamka, waana halka albaab ee hadda u ifaya ama u furan sababtoo ah hadda ma jiro qof soomaali ah oo maanta fiirsanaya qof kale oo soomaali ah oo dhibaataysan, is aaminaada kaliya ee soomaaliya u hartay waa ha lays caawimo iyadii haddii la lamarin habaabiyana waxa muuqdaa waxay noqonayaan waa nalkaas hala damiyo uun, waxaan ognahay dalkaan iyo dadkaan maanta qof kasta oo soomaali ah waxaa ka saaran masuuliyad waliba mid aad u wayn, marka dhankaaga yaanay ka liicin oo yaanay xumuhu ka imaan maahmaah ayaa ahayd "talo adigaa kunool ee iyadu kuguma noola" talooyinku yaanay kula xumaan oo "labaatan jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaaye" hanoqon labaatan jir.


Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin