Mogadishu maxaadan ka ogayn?
MUQDISHO MAXAADAN KA OGAYN TAARIIKDA MUQDISHO Magaalada Muqdisho waa caasimadda Umadda Soomaaliyeed sida kuqoran dastuurka qabyo qoraalka, waxayna ku taalaa xeebta badweynta Hindiya, Magaaladda Muqdisho waxay soo martay maamulo kala duwan lagasoo bilaabo qarnigii 15aad iyo 16aad, waxay lahayd Maamul boqortooyo, 1825 Muqdishu waxay sidoo kale yeelatay maamul kaduwan kii qarnigii 16aad balse lahaa awoodo uqaab eg mid boqortooyo ilaamaa 1871. TAARIIKHDA MAAMUL Laga soo bilaabo Maamulkii Daakhiliga, Maamulka Muqdisho waxaa madax u ahaa hawl-wadeen sare oo loo yaqaanay Wakiilka aan caadiga ahayn ee Maamulka Muqdisho, 28 kii March, 1954, 20 Xisbi ayaa is qeyb galay doorashadii Dowladaha Hoose ee Dalka oo ay kamid ahaayeen degmooyinka Magaaladda Muqdisho, kuraasta guud ee loo tartamay ayaa ahaa 318 kursi, waxaana loo kala helay sidaan:- 281 Soomaali, 23 Carab, 10 Italy, 3 Pakistan iyo 1 Hindi ah. CAASIMADAHA ADUUNKA Guud ahaan caasimadaha Dowladaha Fedar...