Posts

Showing posts from July, 2020

MAANTA OO KALE😢!

Image
Maanta oo kale! 24 July 2019, Maalin Bar-badow ku ah Qalbiyadda reer Muqdisho, Maalin xanuun badan oo aanan hilmaami karin, Maalin aan waynay Halyeeyo, Saaxiibo, Xirfadlayaal Qaali ku ahaa Quluubteena; Eng. Abdirahman Omar Osman Yariisow, Mayorkii Mogadishu, Halyeey Qaran oo aan ku bartay Aqoon, Kalsooni Shakhsiyadeed, Xirfadle yaqaan Qiyamka Qofnimo, Shakhsi ka nazahan dhamaan ceebaha sida; Qabyaalada, Khiyaanadda, Shaqo-xumidda, Nin jaclaysiga, Shakiga, Dhagaysiga Warxuma-tashiilka sidoo kale waxaan kabartay lamacaamilka Dadka iyo kala duwanaan shadooda, waxaa uu ahaa Shakhsi yaqaana Qof-walba iyo Mansabka uu leeyahay isaga oo aan u fiirinin Xooga-qofka uu lamacaamilayo, halka uu ku tiirsanyahay balse fiirinaya Xirfada-qofka iyo Waxtarkiisa. Waxa aan lasoo shaqeeyay Eng. Yariisow Muddo Halsano iyo badh oo aan soo kala qabtay Xilal kala duwan waxay iiga muhiimsanayd iigana muhiimsan tahay dhamaan Shaqooyinkii iyo Shakhsiyaadkii aan lashaqeeyay Xiliyadaas, Allaha urax...