Xildhibaane aad ayaan kaaga mahadcelinayaaa damqashada wanaagsan ee aad u muujisay umadda somaliyeed, waxaa lagama maarman ah waliba muddan in laxuso dhibaatada muuqata ee haysata ciidamadeena haddii ay ahaan lahayd mushaar la'aanta, dayacnaanta xagga nadaafada, dhibaatoyinka xagga saaniyada ciidanka, iyo dhibaatoyin ay ka mid yihiin xaq la'aanta ciidanimo iyo waliba midda tababareed dhamaan intaas oo lagu daray dhibaatada ay ku hayaan ummada soomaaliyeed oo aan hubbo inay gun dhig u tahay kawarqab la'aanta dowlada soomaaliya ee ciidamada xooga dalka oo isugu jira Millatery, police, intellegence iyo asluub dhamaantood oo markii ay daryeel kawayeen dowladii masuuliyadooda qaadi lahayd kula kacay shacabka somaliyeed waxa ay rabaan. Intaas waxaa dheer waxaa maqan adeegii dowlad nimo ee uu shacab mudnaa haddii ay ahaan lahaayeen waxbarasho, caafimaad, wadooyin nidaamsan, cadaalad ay ka muuqato hufnaan iyo dhamaan agabyadii dowladnimo haddii ay ahaan lahayd mid maamul daadajin i...