Posts

Showing posts from 2014

SHISHA: THE SILENT KILLER

Image
It has become the latest craze in town a lot of the british youth wants to be associated with shisha smoking and many shisha bars or cafes have sprung up in London and other major towns where youth are at large, in this way increasing the demand for this highly addictive lifestyle,indeed people who avoid cigarette smoking but smoke shisha are the ones at risk to get lung cancer, heart problems, stroke and pregnancy complications. According to research carried out by the World Health Organisation (WHO), The volume of smoke inhaled in an hour-long shisha session is estimated to be the equivalent of smoking between 100 and 200 cigarettes. The estimated findings go on to show that, on average, a smoker will inhale half a litre of smoke per cigarette, while a shisha smoker can take in anything from just under a sixth of a litre to a litre of smoke per inhale. Another major danger is breathing in dangerous toxins from the burning charcoal knowing very well it produces carbon monoxide which i...

Xabadi Kari Waysaye Bal Markan Sunta ku Day

Image
Adigaan Ogayne Mudane ama Marwo Somaliya Waa Mashruuc, Somaliya Waxaa Lagu Tijaabiyay Wax Walba ee Umad Udaran Waxaa Lagu Baroobeyay Sunta Badaha Waxa Ayna Kasii Qaadeen Caafimaad Badan. Waxaa ay Taasi u Cuntami Waysay Soomaali Diidkii oo Waxa Ay Haddana Isku Dayeen Si Ummadan Lagu Kala Yareeyo Waxa Ay Inoo Keenen Qaraxyo, Xabado Farabadan iyo Waliba Gowrac Aan La Ogayn cidda Geeysanaysa Balse Ummadu Waxba Kama Badalin Moralkeedii Oo Dhib Iyo Dheefba Gacmaha Ayay Isqabsadeen Oo Waxaad Modaa In Marxaladii Dhibka Laga Soo Kabsaday Inbadan Balse Middas Waxay u Cuntami waysay Soomaali Diid Oo markaan Waxa Ay Bal Kudayeen Sun Waliba Waxa Ay Ugu Dareen Ceelashii Biyaha Bal Si Ay Midaanu U Noqoto Tii Kala Yareyn Lahayd Ummadan Soo Jeeda Ee aan Dhamanayn. Sikastaba Ummadan Waxaa Sameystay Allaha Subxaanahu Watacaalaa, Bini'aadamna Wax Uu Kusamayn Karo Malahan Xittaa Haddii Aduunka oo Dhami Ay u Kulmaan Wax Uu Alle U Qoray Maahane, Waxaan Usoo Jeedin Lahaaa Dhamaan Ummadan Soomaaliyeed Meel...

DHAQAN AMA DASTURI

Image
Kasoo bilaw markii dowladii mileteriga ay dhacday kadib waxaa soo maray wadanka dowlado kumeel gaar ah balse laga dhaxlay dhaqamo dadka isaga qasmay in ay yihiin dastuuri oo ay ugu wayntahay is qabqabsi madaxda dowlada ugu sareysa xitaaa haddii laga baxay kumeel gaarkiii. Marka wali sida ay falsafayaashu sheegayaaan in uu buuxsamo dhaqanku sida uu ahaan jiray oo madaxwaynaha hadda jiraahi uu wado qilaafadka kala dhaxayn doona xittaa raisal wasaaraha soo socda ee ladooran doono si uu qodobka dhaqanka ama dastuuriga loogu muran sanyahay uu u dhaqan galo

UAE UNION SPIRIT MUTCH

Image
Big game Between SOMALIA and SUDAN orgainized by DUBAI SPORTS COUNCIl in DUBAI

QARANIMO QOF IYO QABYAALAD MAAHA

HORDHACA MAQAALKA IYO ARAGTIDA QORAAGA Soomaaliya waa dal ku yaala geeska afrika leh bado iyo wabiyo, leh qayraad isugu jira Beero, Kaluun iyo Xoolo. Asal ahaan dadka Soomaalidu waa dad ku abtirsada xoolo dhaqato ama beero qodoto iyo inkaloo kaluun jalaabato layiraahdo, waa dad runtii aad ay ugu wayn tahay qabyaaladu, qabyaaladuna waxa ay kala wayntahay dadkaas aan soo sheegay qaranimada, hadaba qormada maanta aan idin hayo waxay ku saabsan tahay doodo baryahanba laysla dhex marayay oo ahaa QOF AMA QARAN oo ay kuu muuqanayso in ay ku qarsanayd QABYAALAD loo galinayo shaati QARANIMO. Bal haddaba anu si hoose u qaabayno QOF ama QARAN micnaha ay yeelanayso ama QABYALADA QARAMAYSAN iyana micnaha ay yeelanayso DOODA QORAAGA QOF ama QARAN micnaha ay yeelanayso waa ka soo tag saaxiibkaa una tanaazul qaranka, runtii waa hadal dhaxal gal ah haddii la isla fahmana ay keeni karto in loo wada guntado qaranimo balse aragtidaydu ma ahan sidaa oo meesha wax kale ayaa iiga muuqdaa QOFkan...

RAJADII UMADA RIYO MIYEEY AHAYD??!

Image
Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1991kii lana eryey Siad Barre waxaa xukunka isku qabsaday Jabhaddii ka saartay meesha, waxayna ka koobnaayeen sabhadahaasi kuwo u ababulan qaab qabiil, si kastaba taliskii hore ee Siad Barre dhiig farabadan ayaa ku daatay. Waxaa 2000-2004 La lagusoo doortay magalada Carta ee dalka Jibuuti Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan dowladii lagu magacaabi jiray TNG oo iyana ay ka horyimideen Hogaamiye Kooxeedyo ka haray jabahadihii dalka qabsaday oo wali aan doonahayn wax dowlad soomaaliyeed ah. Kadib waxaa markale  hadana lagu soo doortay Magalada Inbigaati ee dalka Kenya madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed doydwladii federalka kumeel gaarka ahayd oo iyana lagu magacaabi jiray TFG oo iyadana ay ka horyimideen isla Hogaamiye kooxeedyadii muqdisho  iyo maxaakiimtii Islamiga oo uu markaa horkacayay Sheik Sharif, waxaa sii xigay Ciidamo itoobiya Ka socda oo dalka qabsaday iyag...

HADDAD SOO ASTAJOOTAY WAAD KU WAYSAYSAN KARTAA!!!

Soomaaliya Bariisaadkii waxay ahaaan jirtay dal aad looga hibaysto dhanka Africa iyo Carabaha waxaa lashegaaa in Somaliya ay qaybo waawayn ku lehayd dhismayaasha qaybaha kala ah jaamacada carabta iyo Midowga africa, waxaa intaas dheer in wadanka aynu kasoo jeedno ee midabkiisu yahay Africanka ah, Kana midka ah jaamacatul carab uu qayb lixaad leh kasoo ciyaaray in ay xoriyadooda madax banaani ay helaan wadamo African iyo Carab ah. Hadaba halka aan usocdo ujeedkeeda aan bidhaansho, ilayn horta doqoni abaal maleh, dadyowgii aaynu gurmadka u fidinay ee isugu jiray Carab iyo Africanba maaneey gudan abaalkoodii inaguna maanan garowsan xaqiiqda oo inaga ayaa isku jeednay walina isujeedna halkii aynu danta Dalka, Dadka iyo Diintaba fiirin lahayn maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd "SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA ADAN HANBAYN" waxay ahayd sheeko nin oday ah ayaa waxa uu koriyay wiil uu markaas kahelay meel cidlo ah oo dadkiisu kaga tageen abaar xun oo jirtay awgeed, ninkii odayga ahaa...

WAQTI TAGAY QIBRAD, MIDKA TAAGAN NOLOL, KAN MUSTAQBALKANA QORSHE!!!

Waxan aad ula yaabay walibana aan la xanuunsaday sida dadkeygu ay wax u dhagaystaan walibana ay u maqlaan xumaanta wanaguna uusan sidaa ugu xooganayn, dadkeygu qoraalku aad ayuu ugu yaryahay mana aqriyaan qoraalada hadii ay aqriyaana kuwa dhibaatada ah ayay dhugtaan. Anigan hadda kula hadlayaahi waxan usoo joogay walibana aan ku garaadsaday iyada oo ay xabadu dhacayso, laqaxayo, la isboobayo, la isdilayo taasina ay muujinayso in aanay dowladu jirin xiligaas balse qabiilku uu yahay maxkamada kali ah ee dadku ay isaga hibaystaan. Sidaa oo ay tahay dalkaas dhib u jooga ah ayaan wax ku baranay kuna barbaarnay walibana aan aad u jeclahay mana jiro wadan ama meel kale oo aan ku badalanayo, Fikirka aan qabo dad badan oo aan isku jinsi nahay (soomaali wada nahay) ayaa qaba oo waliba ku qanacsan dalkooda iyo dadkooda, doonayana in ay isbadal keenaan walibana aynu la baratano aduunka intiisa kale walibana kuwa ugu hormarsan caalamka. Haddaba aqristoow makula tahay in aynu gaari karayno, dad...

http://bulshada.com/hadan-lo-helin-lama-halelin/

HADAN LO HELIN LAMA HALELIN!!!

Waxaan rabaa inaan wax qoro fedelka iyo dadku waxa ay ka fahan sanyihiin, oo qormadeyda bilawgeeda ama cinwaankaba aan uga dhigay haddan loo helin lama haleelin. Haddaba waa maxay federal maxuuse faa'iido iyo khasaaraba leeyahay?? Haddaba waxba lama diido adiga oo aan u helin isbarbardhig waxa aad diidayso khasaaradooda iyo faa'iidadoda, markaad hesho ama ay kula muuqato waxan inay faa'iidoyin badan leedahay waa laqataa haddiise aysan fa'ido badnayn khasaareheduna uu badanyahay waa laga tagaa ilayn waxba soma kordhinayeee. Fedaral waa hab dowladeed ku dhisan is maamul goboleedyo ama maamul hoosaad leh meel laysugu yimaado oo dowlad dhexa ah, waa maamul daadajin kusalaysan in qof walbaahi uu helo adeegii dowladeed ee uu shacbigu u baahnaa iyada oo loo soomarayo in dadku yeeshaan shuruucyo ama habnidaameed kaduwan kuwa gobolada kale ee ay iskula jiraan dowlada kaga duwanyihiin balse aan wax u dhimaynin nidaamkii iyo shuruucdii lagu mideysnaa ee dowlada dhexe. Haddaba maha...

MAGAC AYSAN LAHAYN U DHAGA ADKAA MASULIYINTENU!!!.

Dowlad wanaagu waa maamul wanaaga!! Waxay tahay ujeedadeydu waliba aan rabaaa in aan bal waxogaa idin kaga bidhaamiyo aqoontayda ku aadan Qaranimada, horta qaranimadu waa hibo uu Allah siiyo Dad ku nool degaan ama Dhul xududeysan micnaha la aqoonsanyahay dibad ahaan iyo guda ahaanba, iyo dowlad leh hab maamul oo kala sareyn leh maamulkeeduna uu ucadyahay qof walbaa uu tuhun uu kagalo. Dadka aan sheegay waa in ay lahaadaan luuqad ay ku mideysan yihiin, dhaqan iyo diin ay wada ixtiraaman, waa in uu ka dhaxeeyaa ama ay wada leeyihiin hammi wadaninomo oo aan shaki kujirin micnaha Danguud waa inay jirtaa si looga dheehdo qaranimo. Dowlada aan sheegayo waa in ay leedahay maamul lawada garan karo oo haykal dowladnimo ah sida in ay dowladu tahay:- MIDKALI TALIS AH MID SHACABKU U LEYAHAY MID BOQORTOYA AH MID HANTI WADAG AH iyo kuwo kalo badan Mida aan u socdo uguna muhiimsani waa  mida shacbigu leeyahay talo ahaan iyo karaali noqosho intaba, dowladaasi waxa ay ka koobnaan kartaa Baarlamaan,...

Qormada: Nicklos Key Bravo,

Qormada: Nicklos Key Bravo, : Wadanka soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo ay ugu balaarnayd dagaaladii sokeeye, hase ahaatee haddan dib u milicsano mar...

Nicklos Key Bravo,

Wadanka soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo ay ugu balaarnayd dagaaladii sokeeye, hase ahaatee haddan dib u milicsano marxaladihii hagaagsanaa ee wadanku soo maray waxaan ka xusi karnaa soomaaliya waxay ahaan jirtay ama ay kamid ahaan jirtay wadamada ugu quwada buuraan ee bariga Africa. Wadanku waxaa soo maray dowlad shacabku doortay iyo mid militery intaba, waxa uuna lahaaa wadanku aqoonsi caalami ah iyo mid gudaha ah intaba, hadaan ka bilawno:- 1: midda caalamiga ah soomaaliya waxay ahayd wadan aad muhiim ugu ah wadamada caalamka oo dhan wadan walbana uu ku hamiyo inuu xiriir fiican layeesho, haba ugu badnaadano wadamadii wagaa horboodayay aduunka sida Rushkii waynaa iyo maraykanka oo lagu daray yurubtan hadda middowday. 2: midda gudaha ah wadanku waxa uu ahaa wadamada ugu amaanka badan aduunka, waxa uu ahaa wadan wax soosar kisuna uu aad u wanaagsanaa aduunkana laga yaqaanay wax sosarkisa lagana tixgaliyo suuqyada caalamka. Intaas oo dha...

SIDENI HORE HANALO CELIYO!!!!

Caawa waxaan aqristay qoraal kasoo baxaay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee dowlada federalka ah ee soomaaliya. Runtii waxyaabaha laga wada hadlay cinwankodu waxaa kamid ahaa arrimaha amaanka, misaaniyada 2015 e wasarada maliyada iyo hantidhowrka qaranka balse cinwanidii ahaa in laga hadlo sida waxa ka dhaqan galay iskushandhayntii uu raisul wasaaruhu ku sameyay wasiiradiisa labo maalin kahor kuma ay jirin. Haddaba maxaa is badalay??? Waxaan maqli jiray sheeko aad u xiisa badnayd oo ku saabsanayd labo nin oo aad ukala murqo kuusan ayaa maalin wada dagaalay, dagaalku waxa uu ahaa mid aan laga fiirsan micnaha aan loo meel dayin, dagaalku waxa uu ka bilawday gacmo isku taagtaag iyo hadal duul duul, mid ka nimanka dagaalami doona ayaa la celin kari waayay, waana midka isku tuhmayay bal inuu ka muruq kuusan yahay midka kale ee markaas u muuqday. Hadaba baxbaxsasho kadib odaygii waa la fasaxay oo dagaal ayuu soo qaaday waliba mid aan taatiko fiican ku salaysnayn,...

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin

Shalay oo taariikhdu ahayd 25 October ayaa waxaa mar qura dhegehayga kusoo dhacay Raisal wasaaraha soomaaliya ayaa waxa uu isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, runtii wax cajiib ah uma sii arkin hadalkaas duul duulka ah ee ay dhagahaygu maqlayeen hase ahaatee markiii in cabaar ah aan sii dhagaystay warka oo inoo aqrinayay saxiibkeey ayaan waxaan kala baxay hadaladiisii waxaa laysku badalay wasiiradii xanaaneynta xoolaha iyo dhirta iyo daaqa iyo wasiirkii kale ee cadaalada garsoorka iyo arrimaha federalka. Runtiii hadalkaas waa uu isoo jiitay oo aad ayaan ugu dhegraariciyay waana soo dhaweeyay arrinkaas aniga oo aan xil hayn, saxiibkeeyna qosol ayuuba kusiii daray isaga oo leh hadda ayuu dalku degayaaa oo raisul wasaaruhu hadda ayuu xaqqa fahmay isaga oo ula jeeda faarah meesha cadaalad kuma hayn ee dastuur kusheega ayuu madaxwaynaha u qodobeyn jiray waliba sida uu rabo markaaas. Saxiibkeey ma ahan siyaasi mana hayn xil waa shaqsi sideeyda oo kale ah balse arrimaha soomaaliy...

Waxa jabay dasturkii markii farah sheik xilka loo badalay

Image
Okeeeeey hadda maxaa talo ah Damuljadiid waa ku yaacday indhahooda ayaa cirka jira bal aqri warsaxafadedkan ma madaxwaynaa wasiiro kuxuma mise raisal wasaare shaqadiina sii watana maxay ahayd mida kle dastuurkan jabi waayay markii labada dowladood shireen ma xilka qaadista Farah Sheik Abdulqadir ayuu ku jabay maa dastuurka la aqriyo maxaa loo cuskanaa!!!! http://www.jowhar.com/?p=3893

Dagaalka shabellada hoose

Aad iyo aad ayaan u taageersanahay ciidamada xooga dalka iyo ciidamada nabad ilaalinta iyo nabad soo celinta Amison dadaalada ay kula dagaalamayaan qolyaha nabad diidka ah ee wadanka iyo dadkaba u diiday horumarka iyo xasiloonida, waxan leenahay ciddamada xooga dalka hadaalina inta aad ka xaqiijinaysaa  xasiloonida iyo kala danbeynta waxaan dowlada federalkana ugu baaqi lahayn in ay ku dadaasho tayaynta iyo dhiiri galinta ciidamada xooga dalka maamulkana ay ka dhawrto musuqmaasuq iyo nidaam xumo

Ramadan Mubarak

Waa Maalmo Yar oo Tirsama Balse Fadaa'isha Ayleyihiin aan Lasoo Koobi Karin Tobanka Hore Waa Naxariis Tobanka Dhexe waa Danbi Dhaaf tobanka Danbena Waa Naarta o Lagaa Xoreeyo,,,, Fadalan Maalmaha Aan Kahadlayo Waa Bisha Barakaysan Ee Ramadanka Ka Faa'iideyso o Noqo Kii ama Tii Danbigeeda Ladhaafo Mahadsanidin Haile

Nabadaa Naas Lanuugo Leeeh

Halaga shaqeeyo nabada iyada ayaa lagu hormari karaa,, waxaa maalmahan shir uga socdaa waxyaha qaabilsan nabadeynta dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa nabadaeynta magaaloyinka dowlada federalka gacanta ugu jira,,, iyo waliba sidii shacabku uga qayb qaadan lahaayeen nabadeynta dalka iyada oo kalsooni loo muujinayo dhibka ay arkaan dowladu ay wax ka qabato

Dal Waliba Dadkiisa Dhisa, Dad walbana Dalkiisa Deeqa

Image

Cidna Uma Maqna Celna Uma Qodna

Xildhibaane aad ayaan kaaga mahadcelinayaaa damqashada wanaagsan ee aad u muujisay umadda somaliyeed, waxaa lagama maarman ah waliba muddan in laxuso dhibaatada muuqata ee haysata ciidamadeena haddii ay ahaan lahayd mushaar la'aanta, dayacnaanta xagga nadaafada, dhibaatoyinka xagga saaniyada ciidanka, iyo dhibaatoyin ay ka mid yihiin xaq la'aanta ciidanimo iyo waliba midda tababareed dhamaan intaas oo lagu daray dhibaatada ay ku hayaan ummada soomaaliyeed oo aan hubbo inay gun dhig u tahay kawarqab la'aanta dowlada soomaaliya ee ciidamada xooga dalka oo isugu jira Millatery, police, intellegence iyo asluub dhamaantood oo markii ay daryeel kawayeen dowladii masuuliyadooda qaadi lahayd kula kacay shacabka somaliyeed waxa ay rabaan. Intaas waxaa dheer waxaa maqan adeegii dowlad nimo ee uu shacab mudnaa haddii ay ahaan lahaayeen waxbarasho, caafimaad, wadooyin nidaamsan, cadaalad ay ka muuqato hufnaan iyo dhamaan agabyadii dowladnimo haddii ay ahaan lahayd mid maamul daadajin i...

Alshababow badbaadi maysaan

Image
Waxaa mudan mar walba in la xuso dhibaatada dadka, diinta iyo dalka ay ku hayaan nimanka somaliya dhibka iyo burburka u horseeday balse waqtigoodu uu yahay gabaabsiga. Bal ila fiirso sawirkan oo qiyaas qoraalkeyga iyo sawirkaan waxyaabaha ay isaga midka yihiin, kow alshabaab waxay dhib wayn u qaysteen aqoonyahanadii oo ahaa geedkii uu dalkaan harsan lahaa, labo waxay dhib wayn u gaysteen diintii oo ay been ka shegeen, sedex dalkii oo ay u horsedeen in tuugkastaahi usoo ciidamiyo isaga oo wada shaati gargaar, afar waxay aad u cuuryaamiyeen hiigsigii dhalinyarada iyaga oo ka dhigay tuke canbaar leh meeshii lagu arko wiil ama gabar somali ah aan laga soo dhawayn in dhib loo gaysto mooyaane. Haddaba Alshabaab maanta waaka saaran geedkii uu gooynayay, waxa kor u saaran maaha MAS ee waa ciidanka xooga dalka oo har iyo habeen meeshii ay galaanba kaga daba taga, waxa geedka hoos harsanaya maaha Libaax ee waa AMISOM oo gaari waysay meesha ciidankenu gaari wayeen ilayn xabada marabaan ee dheefta...

Waxa aad aragto runta ka sheeg, dad badan ayaa ku badbaadaya

Waxaan aad ula yaabey dadka wali aad moodo in ay taageero dadban siinayaan qolyahan nabadu ay dhibayso ee Alshabaab bal qormadan maanta waxaan ku eegaynaa siday kula tahay inta dhaqaysatid bal Raisal wasaruhu waxa uu ka hadlay iyo waxa ay cinwaan uga dhigeen vidioga. https://m.youtube.com/watch?v=gz1SrfGx41c Raisal wasaruhu waxa uu sheegay qolodaan inay isugu mid u yihiin masaajidda iyo kaniisadaha, diinteenun way inoo sheegtay in qof aan waxba galabsan aan la dhibatayn bal inaan la cayninwaxyaabaha uu u aqoon san yahay inay diin u tahay. Fikirkiinu waa muhiin fadlan hana noqonina kuwii sheegi kariwaaya waxyaabaha saxda ah

Aan Walaalo Ahaano Waligeen

Dhamaan asxaabta aan aad ka u jeclahay meel walba oo aad joogtaan jimco wanaagsan, jimcadan mida xigta waxaan Allah inooga baryaaa inuu inagu gaarsiiyo wadanka oo ka hormaray dhibaatada faraha badan. maalmihii ugu danbeeyayna ay soo baxayeen maamul gobeelyo is diidan, waxaan Allah ka rajaynaa khayr waxaan ugu baaqi lahaaa soomaalida meel walba oo ay joogaan in ay ku ducaystaan in qof danbe oo soomaali ah uusan dhib u gaysanin qof kale oo soomaali ah. cafisna lakala dalbo waxbadan ayaaa ina horyaala mudana inaan wada qabsano aan is cafino dagaalka aan micnaha badan inoo lahayna iska dayno "walaalo aan ahaano waligeen"

Ma qiyaasi kartaaa qorigan hadii uu gacanta u galo ama lagu beero meel aan loogu tala galin dhibka iyo saamaynta uu yeelanayo

Image
Haddaba waxaa muhiim ah ama lagama maarmaan in dowladeenu ay qorshaheeda ku aadan dhalinyarada soomaaliyeed ee marba dhinaca loo cayrsanayo ugu danbeyntiina ku kalifta in uu qaato qorigaas laguna dilo amaba isagu uu wax ku dilo ay inoo muujisaa haddii kale waa lahayaa qorshihii ku aadanaaye ay cidda mudan u banaysaa booska

Qormada: WAXAN IS LEYAHAY

Qormada: WAXAN IS LEYAHAY : waxan is leeyahay dadku way u baahan yihiin nidaam, balse waxa ay la yihiin hogaamiyihii saxda ahaa ee hor kici lahaa dadkuna way qaybsamaan...

WAXAN IS LEYAHAY

waxan is leeyahay dadku way u baahan yihiin nidaam, balse waxa ay la yihiin hogaamiyihii saxda ahaa ee hor kici lahaa dadkuna way qaybsamaan oo mar waa hogaamiye ka hareyaal (dib dhac ayaa ka muuqda baahsan), marna waa hogaamiye lasocdeyaal (oo dowlad iyo shacbigu waa ay wada shaqeyan) markalena waa hogaamiye ka horeeyeyaal (oo waa dal iyo dad wada hormaray cilmi ahaan). dadka haddii uu noqdo hogaamiye kahare waxaa u sabab ah hogaamiyaha o aan rabin inuu dadka waxbadan la wadaago oo dadku waa ay ka niyad jabaan oo ugu danbayn waa ay ka haraan, oo waxaa soo bixi dad badan o nidaam diid ah sida haddaba nahaysata. mar dadku waa hogaamiye raac oo dadka iyo dowladuba wa ay wada socdaan dhib ay dheefna way ay wadaagan nabadana waa ay wada ilaalsadaan waxaana sabab u ah hogaamiyaha oo waxbadan dadka ka dherjiya xogta wadanka talabixin badana ay dadku ka maqlaan dadkana ku dhex jira habeen iyo maalin. mar dadku waxa ay noqdaan hogaamiye ka horeeyayaal oo dadku waa dad wax bartay oo hormarar...

Sida ay ila tahay

waxan is leeyahay dadku way u baahan yihiin nidaam, balse waxa ay la yihiin hogaamiyihii saxda ahaa ee hor kici lahaa dadku mar waa hogaamiye ka hare, marna waa hogaamiye lasocde markalena waa hogaamiye ka horeeye. dadka haddii uu noqdo hogaamiye kahare waxaa u sabab ah hogaamiyaha o aan rabin inuu dadka waxbadan la wadaago oo dadku waa ay ka niyad jabaan oo ugu danbayn waa ay ka haraan, oo waxaa soo bixi dad badan o nidaam diid ah sida haddaba nahaysata. mar dadku waa hogaamiye raac oo dadka iyo dowladuba wa ay wada socdaan dhib ay dheefna way ay wadaagan nabadana waa ay wada ilaalsadaan waxaana sabab u ah hogaamiyaha oo waxbadan dadka ka dherjiya xogta wadanka talabixin badana ay dadku ka maqlaan dadkana ku dhex jira habeen iyo maalin. mar dadku waxa ay noqdaan hogaamiye ka horeeyayaal oo dadku waa dad wax bartay oo hormararay hogaamiyohooduna waa mid inta badan ka hela xogta dadka uu hogaaminayo oo mar walbaba iyaga ayay ka timaada fikirku dowladuna ay u qabataa koley kuwaas mani...