Posts

Afar sano iyo xasuusatayda

Image
Macallin aad muqayil u ahaan jirey ayaa habeen habeenadiisii kamid ah Qaad ku dhafray, subixiina waxaa laga rabaa inuu xiisadii  Fasal-ka soo galo. Maadama uu xalay oo dhan dhafarsanaa Ul ayuu Miiska soo saartay Ardaydiina waxa uu ku yiri, ma i maqlaysaan "kii shanqar yar sameeyo, 10 Ul ayaan ku dhufanayaa", Kursigii ayuuna gadaal gadaal ugu seexday. Ardaydii waxay qaateen amarkii Macllimka oo waa wada aamuseen maadama meeshu uli saarantahay, isagiina khuuradisii ayuu sii watay, mar xiisadii dhamaatay macalinkiina kasoo bixi la'yahay fasalkii ayuu Maamulihii Dugsiga isyiri bal kormeer waxa fasalkaan kasocda, Macalimkii waxa uu ku soo toosay Maamulihii oo dul taagan. Maadaama khabiir dhafarka uu yahay iskama waalin indhaha ayuu marmartay sifiicana ukala furay, kuna yiri Ardaydii, Ma fahamteen Qisada Asxaabul kahfi ee Qur’aanku noo sheegay. Siidaa ayeey Asxaabul kahfi u hurdayeen 300 Sanno. Hada Xildhibanadii iyo Madaxdii ay doorteen oo uu waqtigu gabaabsiga ka yahay, iyago...

MAANTA OO KALE😢!

Image
Maanta oo kale! 24 July 2019, Maalin Bar-badow ku ah Qalbiyadda reer Muqdisho, Maalin xanuun badan oo aanan hilmaami karin, Maalin aan waynay Halyeeyo, Saaxiibo, Xirfadlayaal Qaali ku ahaa Quluubteena; Eng. Abdirahman Omar Osman Yariisow, Mayorkii Mogadishu, Halyeey Qaran oo aan ku bartay Aqoon, Kalsooni Shakhsiyadeed, Xirfadle yaqaan Qiyamka Qofnimo, Shakhsi ka nazahan dhamaan ceebaha sida; Qabyaalada, Khiyaanadda, Shaqo-xumidda, Nin jaclaysiga, Shakiga, Dhagaysiga Warxuma-tashiilka sidoo kale waxaan kabartay lamacaamilka Dadka iyo kala duwanaan shadooda, waxaa uu ahaa Shakhsi yaqaana Qof-walba iyo Mansabka uu leeyahay isaga oo aan u fiirinin Xooga-qofka uu lamacaamilayo, halka uu ku tiirsanyahay balse fiirinaya Xirfada-qofka iyo Waxtarkiisa. Waxa aan lasoo shaqeeyay Eng. Yariisow Muddo Halsano iyo badh oo aan soo kala qabtay Xilal kala duwan waxay iiga muhiimsanayd iigana muhiimsan tahay dhamaan Shaqooyinkii iyo Shakhsiyaadkii aan lashaqeeyay Xiliyadaas, Allaha urax...

Mogadishu maxaadan ka ogayn?

Image
MUQDISHO MAXAADAN KA OGAYN TAARIIKDA MUQDISHO Magaalada Muqdisho waa caasimadda Umadda Soomaaliyeed sida kuqoran dastuurka qabyo qoraalka, waxayna ku taalaa xeebta badweynta Hindiya, Magaaladda Muqdisho waxay soo martay maamulo kala duwan lagasoo bilaabo qarnigii 15aad iyo  16aad, waxay lahayd Maamul boqortooyo, 1825 Muqdishu waxay sidoo kale yeelatay maamul kaduwan kii qarnigii 16aad balse lahaa awoodo uqaab eg mid boqortooyo ilaamaa 1871. TAARIIKHDA MAAMUL Laga soo bilaabo Maamulkii Daakhiliga, Maamulka Muqdisho waxaa madax u ahaa hawl-wadeen sare oo loo yaqaanay Wakiilka aan caadiga ahayn ee Maamulka Muqdisho, 28 kii March, 1954, 20 Xisbi ayaa is qeyb galay doorashadii Dowladaha Hoose ee Dalka oo ay kamid ahaayeen degmooyinka Magaaladda Muqdisho, kuraasta guud ee loo tartamay ayaa ahaa 318 kursi, waxaana loo kala helay sidaan:- 281 Soomaali, 23 Carab, 10 Italy, 3 Pakistan iyo 1 Hindi ah.  CAASIMADAHA ADUUNKA Guud ahaan caasimadaha Dowladaha Fedar...

Talooyin

Tilmaamo iyo Talooyin  Marka hore waxaan u hambalyeeynayaa umadda soomaaliyeed meel walba o ay joogaan waxaan kaloo hambalyo udirayaa madaxwaynaha dowlada soomaaliyeed mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo, waxaan kuugu hambalyeeyey xilka culus ee dadka oo dhani dareemayaan culayska uu la egyahay iyo masuuliyada dhex maquurta, qof walba oo shacabka soomaaliyeed kamid ah waxa uu kaasugayaa in aad u dhaanto sida ay yihiin maanta, waxaan doonayaa inaan kaala taliyo kuna tusaaleeyo arrimo dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay kamid yihiin dadku waxa ay kaasugayaan: Ugu Horeyn Tilmaamaha:- ¥ Madaxwayneyaashii adiga kaa horeeyay waxa ay ahaayeen kuwo shacbiyad leh hayaradaano ama ha badnaadaano xilka markii loo dooranayay, balse markii uu inaga tagayay ilmaha dugsiyada dhigtaahi way ogaayeen waxa uu galay iyo waxa uu guday intaba marabo inaan hoos u dhaadhaco midmidna aan u dul istaago. ¥ Maamuladii kaa horeeyay ma aysan ahayn kuwa lamacaamila dadka caadiga ah ee ay hogaamiyaan dadkuna waxa ay u...

Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan”

Image
Fursadfund, “Farshaxankeeda Furaha iyo ka Fiirsigeeda, Fagaaro Lajoogsigeeda Farxad iyo Kafiirsi Maahan” “Falcelinta Fikirkeeygu, Foolxumo iyo Fadeexad Maahan” Hordhac Xaalada Soomaaliya Soomaaliya, waa dal kasoo kabanaya dhibaatooyin badan oo ay u gaysteen dhinacyo badan, waxana ugu horeeyay dhibaatoyinkaas hogaamiye kooxeedyo, waxaa xigay dowlado shisheeye oo iyaguna dhibaatada aad u taban taabay, waxaa inoo xigay dowlado kumeel gaar ah oo u qaabaysan qaab qabiileed laguna saleeyay hab afar dhibic shan, wadaad beenaale dhibtii uu ina baday aan wali xal loo helin, waxaa intaa dhex boodayay ganacsato dhiigmiirato ah, siyaasi mashiixe ah, oday dab huriye ah, intaas oo dhibaatooyin kadib dalku waxa uu cagaha saaray wado aan is dhihi karno manta waa tii horseedi lahayd horumar iyo barwaaqo walibana ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro ka madax fiyoow inta aan soo sheegnay. Ujeedada Qormada iyo Dareenkayga Qormadan waxay ku qotontaa fikrado wax dhisaya oo aanaay ku jirin kuwo wax...