Mogadishu maxaadan ka ogayn?

MUQDISHO MAXAADAN KA OGAYN

TAARIIKDA MUQDISHO

Magaalada Muqdisho waa caasimadda Umadda Soomaaliyeed sida kuqoran dastuurka qabyo qoraalka, waxayna ku taalaa xeebta badweynta Hindiya, Magaaladda Muqdisho waxay soo martay maamulo kala duwan lagasoo bilaabo qarnigii 15aad iyo  16aad, waxay lahayd Maamul boqortooyo, 1825 Muqdishu waxay sidoo kale yeelatay maamul kaduwan kii qarnigii 16aad balse lahaa awoodo uqaab eg mid boqortooyo ilaamaa 1871.


TAARIIKHDA MAAMUL

Laga soo bilaabo Maamulkii Daakhiliga, Maamulka Muqdisho waxaa madax u ahaa hawl-wadeen sare oo loo yaqaanay Wakiilka aan caadiga ahayn ee Maamulka Muqdisho, 28 kii March, 1954, 20 Xisbi ayaa is qeyb galay doorashadii Dowladaha Hoose ee Dalka oo ay kamid ahaayeen degmooyinka Magaaladda Muqdisho, kuraasta guud ee loo tartamay ayaa ahaa 318 kursi, waxaana loo kala helay sidaan:- 281 Soomaali, 23 Carab, 10 Italy, 3 Pakistan iyo 1 Hindi ah. 

CAASIMADAHA ADUUNKA

Guud ahaan caasimadaha Dowladaha Fedaraalka ah ee Dunidda waxay leeyihiin maqaam gaar ah, ma aha oo keliya inay yihiin fadhiga Dowladda Federaalka, Safaardaha, Hay’adaha Caalamiga, ayna ku yaalaan kaabayaal dhaqaale oo mug leh, balse waxay calaamad u yihiin midnimada Qaranka. Sidoo kale, waa magaalooyin waa-weyn oo ay dad badani ku noolyihiin kana shaqeeyaan, waxayna ku dhisanyihiin hab-maamuusyo kala duwan oo la jaanqaada sharciga iyo sooyaalka siyaasadeed ee dalalkooda.

Caasimadaha Dowladaha Federaalka ah ee Dunidda waxay isugu jiraan kuwo ku dhisan noocyada: Degmo Caasimad ah, Caasimad Maamul Goboleed ah iyo Caasimad ku dhex taala Dowlad Goboleed. Sadexda nooc ee la waafajiyo Caasimadaha Dowladaha Fedraalka ah waxa ay ku kala duwan yihiin matalaada Siyaasadda, Maareeyeenta Dhaqaalaha, Sharci-dejinta iyo Xuquuqda Aasaasiga ah.

DASTUURKA IYO BAARLAMAANKII 9-AAD

Sida uu qabo Qod. 9aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah, “Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Muqdisho. Maqaamka magaalo-madaxda waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegista dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlammaanka”. Micnaheedu ma ahan waxaa goaan looga gaarayaa FACEBOOK, waxaan isleeyahay qolyaha xagal daacinaya dadaaladda farsamo ee socda waa in lagula xisaabtamo laguna maxkamadeeyo marin habaabinta ay kawadaan shaqooyinka lagu aaminay.

Hadaba, sida ku cad soo jeedinta wabixinta Baarlamaankii 9aad xulushada ugu haboon ee Muqdisho loo qaadi karo, waa in ay noqoto Caasimad Dowlad Goboleed ah ayada oo la xeerinayo sidii shacabka deggan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xaquuqda ka qaybgalka Siyaasadda Dalka, Maamulista Cassimadda, Maamulka Maaliyadda, Sharci-dejinta, Xuquuqda iyo Waajibaadka dadka ku nool Magaalo-Madaxda.


KULAMADII DANBE IYO GOAANADOODII

Sidoo kale, 27kii Febraayo 2020kii ayaa waxaa kulan hawleed isugu yimid Guddiga la Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa looga doodayay qodobka 9aad ee Dastuurka KMG ee Maqaamka Caasimadda. Labada Guddi ee Dastuurka ayaa soo bandhigay saddexda xulasho ee laga sameeyay Caasimadda si loo helo fekar lagu mideysanyahay oo ku aadan xulashada la qaadan karo. 

Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay xulashada u qalanta Caasimadda, iyadoo aragtidaas ay hore u soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shirkii 12ka Febaraayo 2020kii oo ka dhacay Airport Hotel ee ku aadan Maqaamka Caasimadda Muqdisho oo ah Muqdishu in ay noqoto Caasimad Dowlad Goboleed ah. (Capital City State).

Waxaa sidoo kale kulamo isugu yimid inkabadan tiro kasedex jeer guddiga kasocda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Dastuurka waxay aad iskula falanqeeyayeen xulashadii horey uu Baarlamaankii 9-Aad, Maamulka Gobolka Banaadir arragtidiisa, soojeedintii Wasaaradda Arrimaha Guddaha Iyo talooyinka qubaradda Wasaaradda Dastuurka.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaana sharci gaar ah ku soo saari doona xulashada la soo jeediyay oo ah Caasimad Dowlad Goboleed ah (Capital City State), sharcigaas oo noqon doona midka lagu dhisayo maqaamka Caasimadda Dowlad Goboleed.


TALO SOOJEEDIN

Waxaan qabaa in Umadda Soomaaliyeed ay lasocoto xogaha ku aadan arrimaha Caasimadda Soomaaliyeed, Maqaamka Magaaladda Muqdisho iyo marxaladaha uu soo marey oo uusan kabilaabanin FACEBOOK kacodee, waxaan uga digayaa qof walba oo raba inuu duudsiiyo 3Million oo Soomaali ah markii tiradaas laga fiiriyo Guud tirada Umadda Soomaaliyeed ay kanoqonayaan sedex meelood MEEL, waxaa muhiim ah iney helaan xaqqa ay uleeyihiin inay helaan MATHALAAD lamid ah ama kabadan kuwa ay heleen dad aad uga tiro yar sida dhamaan Maamul Goboleedyadda. 

W/Q ABDIRAHMAN HAILE
XUBIN GUDDIGII GOBOLKA BANAADIR 


INDHAHA FURA JAALAYAAL.

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin