MAANTA OO KALE😢!

Maanta oo kale!

24 July 2019, Maalin Bar-badow ku ah Qalbiyadda reer Muqdisho, Maalin xanuun badan oo aanan hilmaami karin, Maalin aan waynay Halyeeyo, Saaxiibo, Xirfadlayaal Qaali ku ahaa Quluubteena;

Eng. Abdirahman Omar Osman Yariisow, Mayorkii Mogadishu, Halyeey Qaran oo aan ku bartay Aqoon, Kalsooni Shakhsiyadeed, Xirfadle yaqaan Qiyamka Qofnimo, Shakhsi ka nazahan dhamaan ceebaha sida; Qabyaalada, Khiyaanadda, Shaqo-xumidda, Nin jaclaysiga, Shakiga, Dhagaysiga Warxuma-tashiilka sidoo kale waxaan kabartay lamacaamilka Dadka iyo kala duwanaan shadooda, waxaa uu ahaa Shakhsi yaqaana Qof-walba iyo Mansabka uu leeyahay isaga oo aan u fiirinin Xooga-qofka uu lamacaamilayo, halka uu ku tiirsanyahay balse fiirinaya Xirfada-qofka iyo Waxtarkiisa.



Waxa aan lasoo shaqeeyay Eng. Yariisow Muddo Halsano iyo badh oo aan soo kala qabtay Xilal kala duwan waxay iiga muhiimsanayd iigana muhiimsan tahay dhamaan Shaqooyinkii iyo Shakhsiyaadkii aan lashaqeeyay Xiliyadaas, Allaha uraxmado Eng. Yariisow iyo dhamaan Asxaabtii Qaaliga ahaa ee aan kuwaynay Dhibkii ay inoo geysteen Arxan-laawayaashu.

Waxaanan hilmaami doonin Asxaabtii, Aggaasimayaashii, Walaalihii Qaaliga ahaa ee aan iyagana soo wada shaqaynay Naftoodana ku waayay Musiibadaas sida, Walaal Caaqil oo ii ahaa Garab iyo Gaashaan, Abdulahi Dheere oo ahaa Qabiir aan Hagar lahayn Madaalana ahaa, Abuukaate Sabriyo oo runtii ahaa Maskaxdii Gobolka Banaadir Sharciyaqaana ahaa, Abdifatah Xalane oo isaguna ahaa Saaxiib Qaali ah Shaqaaluhuna wada jeclaayeen, Eng. Shuuriye Maskaxdii Qorshaynta Magaaladda ahaana Saaxiib Qaali ah, Professor Ɓbdi Daahir Qabiir Qaran, ahaana Maskaxdii Siyaasadaha Dowliga waxbadana kaqabtay, Guddoomiyaashii Degmooyinka Abdulaziz, Shangani iyo Waaberi (Sabah, Sahra iyo Mahad) oo runtii ahaa xirfadlayaal ku cusbaa Shaqadda balse Waxtarkoodu muuqday.


Waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho inay meel uga wada jeestaan iskana diidaan in Qof danbe oo Soomaali ah lagu dhibaateeyo meel ay joogaan, Masuuliyiintana Dowliga ahna waxaan ugu baaqayaa Xilalka aad Umadda u haysaan waxay noqonayaan kuwo ku qorma Buuga fiican Taariikh fiicana kataga ama waxay noqonayaan kuwo ku qorma Buugaagta aan lajeclaysan, Beritoolana saameeya Aayihiina Dadnimo laguna Xasuusto Qaraw iyo Caloowyaal Taariikh Xunna reeba.

W/Q Abdirahman Haile

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin