Alshababow badbaadi maysaan
Waxaa mudan mar walba in la xuso dhibaatada dadka, diinta iyo dalka ay ku hayaan nimanka somaliya dhibka iyo burburka u horseeday balse waqtigoodu uu yahay gabaabsiga.
Bal ila fiirso sawirkan oo qiyaas qoraalkeyga iyo sawirkaan waxyaabaha ay isaga midka yihiin, kow alshabaab waxay dhib wayn u qaysteen aqoonyahanadii oo ahaa geedkii uu dalkaan harsan lahaa, labo waxay dhib wayn u gaysteen diintii oo ay been ka shegeen, sedex dalkii oo ay u horsedeen in tuugkastaahi usoo ciidamiyo isaga oo wada shaati gargaar, afar waxay aad u cuuryaamiyeen hiigsigii dhalinyarada iyaga oo ka dhigay tuke canbaar leh meeshii lagu arko wiil ama gabar somali ah aan laga soo dhawayn in dhib loo gaysto mooyaane.
Haddaba Alshabaab maanta waaka saaran geedkii uu gooynayay, waxa kor u saaran maaha MAS ee waa ciidanka xooga dalka oo har iyo habeen meeshii ay galaanba kaga daba taga, waxa geedka hoos harsanaya maaha Libaax ee waa AMISOM oo gaari waysay meesha ciidankenu gaari wayeen ilayn xabada marabaan ee dheefta ayay rabaane, waxa biyaha ku jira Yaxaas maaha ee waa u madii ay jiifka iyo jooga u diideen oo quus taagan balse hadda helay neecaaw ay ku neefsadaan mar haddii qolyahaas la wiiqay waxayna diyaar u yihiin mar danbe inaysan soo dhawaysan in ay sii quusiyaan mooyeee.

Comments
Post a Comment