Mogadishu Caasimad Maaha!!!
Magaalada Muqdisho Waa Magaalada Kaliya ee ku taal Gobolka ugu yar Dalka Somalia ee Banaadir, waxay ku fadhisaa dhul lagu qiyaaso baaxadiisa 1,657 km2 (640 sq mi).
Muqdisho waxaa ku nool dad ku dhow 4 Million, Qiyaas ahaan Mana ahan hal qabiil oo kali ah waxay isugu jiraan Soomaali oo dhan sababta dadka intaa la egi ay isugu yimaadeena waa Caasimada Umadda Soomaaliyeed oo dhan.
Taariikhda magaalada Muqdisho waa mid aad u fac wayn, waxayna kamid tahay Magaalooyinka ugu da’da wayn Qaaradda Africa iyo meelo badan oo kamid ah Dunida.
Muqdisho waa Magaalo qadiimi ah waxay ku taalaa Geeska Afrika , waa Caasimadda SomaliWeyn (Somalia), Mana ahan wax qof ama qabiil uu ka qaadi karo caasimadnimadeeda taa waxaa muujinaya isku dhafka dadwaynaha soomaaliyeed ee wada degan magaaladaad, Taariikhda Muqdisho waa mid aad u fac wayn.
Mogadishu waxay caasimad ahayd qarnigii 2aad xiligaaas oo aanay jirin kanaalka suways iyo gacanka carbeed waxayna isku xiri jirtay ganacsiga yurub iyo carabaha iyo dhaman afrikaanka, waxaa lashegaaa magaalada Mogadishu in ay marti galisay qarnigii sadexaad ee miilaadiga muhaajiriin badan oo isugu jiray Carab iyo Iiraaniyiin.
Waxaan uga gol leeyahay qoraal kaygaan in aan dadka soomaaliyeed ee caafimaadka qaba bal xasuusiyo maalin dhawayd ayaan dhagaystay nin wayn oo masuuliyad sheeganaya una doodaya qabiil iyo qurun aan filayo xiligii laga xishoon lahaa in la joogo, ninkaaa hadaladiisii waxaaa ka mid ahaaa in caasimada soomaaliyeed ee Mogadisho ay caasimad nimadeedii la burburtay rajiimkii Siyaad barre isaga oo doodaya ayuu ku indho adeegay in caasimada aanay ahayn magalada umadda ee Mogadishu, waxa uu intaa siina raaciyay in qabiilkiisu waahore isku raacay in ay yihiin dowlad ka madax banaan soomaali wayn.
Waxa kale oo uu ku hadaaqay ninkaa in caasimadu ay gaar u tahay oo kaliya hal qabiil oo kamid ah qabiilada soomaaliyeed balse uu ilaway in caruurtiisu wax ka bartaan degan yihiina magaalada mogadishu ee caasimada u ah ummada soomaaliyeed isaga oo fiirinaya carada maalintaaa ee qabiilkiisa gadoodsan.
Waxaa uu ilaaaway magaaladan in ay ahayd magaaalo loo soo ganacsi tago xornimadiii ummada soomaaliyeed kahor, waxa kale oo uu ilaaaway taariikhda magaaladan in ay ahayd mid marti galisa saldanado wawayn oo aan ka xusi karno ibnu BATUTA.
Waxaan rabaa in aan walaalaha soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula taliyo amaba kula dardaarmo in federalku yahay cudur ama cuqdad dadka soomaaliyeed dhex yaala waa haddii aanay fahmim micnihiisa dhabta ah, masuuliyiinta soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dhaqaatiir heer wadaniyeed oo ka dawaysa cudurada xun xun ee ay ku beerayaan dadka shacabka ah ee soomaaliyeed oo ay kala matalaan kahor federalka.
Waxan kusoo gabagabaynayaa qormadaydan in dhaman dhalinyaradu gacmaha is qabsadaan wadankana ka badbaadiyaaan bahalada wawayn ee afku Dablayaasha ah oo mar walba jecel amaba ka macaasha dhiigooda kuna damashada dunida dacaladeeda, waxan dhihi lahaa dhalinyaro yaynaan noqon xaabada dabka lagu huriyo ee aan noqono dalka, dadka iyo diinta kuwii daryeeela.
Mahadsanid
Haile
Comments
Post a Comment