MADAXDEENU MURAN BADANAA!!!
Madaxwaynaha Waxa Uu ka Hadlay Sedex
Qodob Oo aan U arkayay In ay Muhiim Ahayd In uu ka hadlo si Kursiga lagu Haysto
Unoqdo Mid Aan Lagu Soo Degdegi Karin.
1: Siyaasada dalka iyo Federaalaynta
2: Amaanka Iyo Cidda Masuulka Ka ah
3: Wadashaqaynta Hay'adaha Dowliga ah sida Madaxtooyada, Xukuumada Iyo Baarlamanka
4: Dhaqaalaha Dalka iyo Kalsoonida Caalamka
2: Amaanka Iyo Cidda Masuulka Ka ah
3: Wadashaqaynta Hay'adaha Dowliga ah sida Madaxtooyada, Xukuumada Iyo Baarlamanka
4: Dhaqaalaha Dalka iyo Kalsoonida Caalamka
Hadaba
Matahay Qof Lasocda Arrimaha Soomaaliya, Fadlan Haddadan Lasocon Haku Wareerin,
Haddad Qabyaaladiiste Tahay Ha Inagu Mashquulin, Haddad Kamid Tahay Xisbul
Xaakimka Dalka Qaladaadka Xisbiga Wax Kabaro!!!
Aanu
Ku Bilawno Siyaasada Dalka, Wadanku Waxa Uu Soo Maray Marxalado Kala Duwan Oo
Dhanka Siyaasada Ah, Waxaan Ka xusi Karnaa Qaababkii Isbadalka Hogaanka Dalka
iyo Waliba Kalsoonidii Shacabka Marxaladahaas Ay wax Ku Qiimayn Jireen Ama Ay
Ku Dooran Jireen, Haddii Ay Ahaan Lahaayeen Hogaamiye Kooxeed, Hogaamiye
Goboleed, Hogaamiye Diimeed iyo Maanta Oo Aanu Joogno Oo Hogaamiye Xisbiyeed
Aanu Marayno, Hase ahaatee Mudane Hassan Waxa Uu Inoo Sheegay In Siyaasadu Ay
Meel Fiican Joogto Balse Aanu Carabaabin Marxalada Siyaasadeed Ee Inoo Xigta
Midda Maanta Aynu Joogno.
Dhanka
Federaalaynta, Hanaankan Dadka Kama Wadaa Dhaadhacsana Hase Ahaatee Qofba Si Uun
Ufahan, Mid Qabiil Ula Carara, Mid Dano Gaar ah Ka Arka Mid Gooni Isu Taag U
Qaata iyo Mid Qaran Dumis U Mooda Intaaba Waa Loo Fasirtay, Hase Ahaatee Mudane
Hassan Sheik Waxa Uu Inoo Sheegay In Meel Fiican Dowladiisu Soo Gaarsiisay
Hanaankan Fadaralaynta Oo Ladhisay Maamulo Kumeel Gaar Ah Kuwana Ay Dhiman
Yihiin Halka Uu Carabka Ku dhuftay in kuwo Kale Wada Hadal Lagula jiro Kadib
Markii Ay Gadoodeen, Aniga Sida ii Muuqata Waxaan Arkaa Maamulo Doonaya Gooni
Isu Taag Soomaali Inteeda Kale Waxaa Ii Muuqda Dhalinyaro Ku Dhimata Kala
Difaaca Labo Tuulo Oo Isu Muuqada Halka La Ilaawi Doono Qaranimada iyo isu
Duubnida Dalka iyo Dadka iyo Maan Ku Haynta Dhulka Soomaaliyeed Ee Maqan
Maanta.
Dhanka
Kale Qodobka Labaad Ee Amaanka Iyo Cidda Masuulka Ka Ah, Waxaan Kawada
Dheregsanahay Xaalada Amaan ee Dalka, Gaar ahaan Caasimada Mogadishu, Waxaan
Aaminsanahay Amaanka Dalku in Uu Ka Liito Maanta Shan Iyo Laabatankii Sano Ee
Lasoo Dhafay Kana Ciidan, Sirdoon Iyo Qalab Wanaagsan Yahay Shan Iyo
Labaatankii Sano Ee Lasoo Dhaafay, Lakin Hal Sabab oo ah Cidda Masuulka Ka ah
iyo qaabka loo wajahay hanaanka amaanka oo aad u u dayacan.
Midda
Kowaaad Dadka Hogaamiya Ciidaanka Amaanka Oo Aan Qibrad Ku Filan Lahayn Oo
Dhanka Howlaha Loo Igmaday ah, Midda Labaad Hanaankii Amaan Kusoo Dabaalida
Wadanka Oo Loo Rogay Ilaalinta Dano Shaqsiyadeed iyo Mid Isbahaysi Xisbiyaysan,
Midda Sedexaad Oo Aan U Arko Kala Saarid Ciidankii Howshaas Qaban Lahaa Oo
Kuwana Ay Mushaaradka Helaan Kuwana Gaajadu Ay U Gayso In Wax Walba Ay
Fududeystaan Amaankiina Faraha Uu Kabaxo, Oo Maanta Aad Ogtihiin Xaal Halka Uu
Marayo iyo Degmooyinka Uu Sheegay Madaxwaynuhu In Ay Dhiman Yihiin Iyo Maalin
Walba Sida Ay Nabad Diidku Ula Wareegayaan Kuwii Gacanta Dowlada Ku Jirtay
Sababo Daryeel La'aan Dhanka Ciidankii Masuulka Ahaa shaqadaas Awgeed.
Qodobka
Afaraad Wada Shaqaynta Hay'adaha Dowliga Ah Sida; Madaxtooyada, Xukuumada iyo
Baarlamaanka Hadaba Intaa Marka Uu Maqlo Qofka Soomaaliga Ah Waxaa Kusoo
Dhacaysa Mooshin, Aan Sababeeyo Madaxwayne Xassan Waxaa Uu Marayaaa Raisal
Wasaarihii Sedexaad Ee Lashaqeeya Maanta Madaxtooyada Dalka, Ma Iswaydiisay
Aaway Kuwii Ka Horeeyay Raisal Wasaare Cumar, Mawada Shaqayn Wanaagsan Oo
Madaxwaynaha Dhex Martay ayay Ku Tageen Mise?? Haddaba Maalin Maynaan Arag
Xukuumada iyo Madaxwaynuhu Wada Shaqeeyen in Dano Maalmeed Lawada ilaaliyo
Mooyaane, Dhanka Kale Maynaan Arag Baarlamaan Iyo Xukuumad Wada Shaqeeyay Balse
Waan Aragnay Si lamid ah Sida Madaxtooyadu ula Shaqayn Waysay Xukuumada Oo
Kale, Maanta Waxay Maraysaa Baarlaamkii Iyo Madaxtooyadii, Waxaan Hubaa Wax
Wada Shaqayn Ah oo Dhexmaray Hay'adahaas Dowliga ah Mahayno Waxana Usabab ah
Maamul Xumada iyo isqabqabsiga aan loo meel dayin.
Qodobka
iigu Danbeeya oo Ah Dhaqaalaha Dalka iyo Kalsoonida Caalamka, Waxaan Maqli
Jiray Ma Inagaa Waalan Mise Cadanbaa Laga Heesayaa, Dhaqaalaha Dalku Maanta Aad
Ayuu U Liita Waliba Dhaqaaluhu waxa Uu Marayaa Meeshii Ugu Xumayd, Waxaan Hubaa
Sidaan Haddii Uu Kusii Socdana In Sicir Barar baahsan Oo Dalka Oo Dhan Ah Loo tagi
Doono, Sababtoo Ah Markii laga hadlayo hormarka Dhaqalaha Dalka waxaa lacabiraa
kuwaan soo socda;- Hab Raaca Nololeed oo ah Qofka wax soosaarkiisa, Dhismaha
goobaha Adeega Dadwaynaha, Is dhaxgalka Bulshadeed, Caafimaadka, Badbada
Muwaadinka, Wax Aqriska ama Qorista, iyo Ugu Danbayn Tartanka Gobalka Dhanka
Dhaqalaha Intaasna maanta meesha aan kajoogno Qof Loo sheegayo majiro Eedeymahana
waxaa iska leh qolyaha masuuliyada wadanka qaaaday maanta aad ogtihiin halka ay
dhigeen.
Dhanka
Kalsoonida Caalamka waxaa Kaaga Filan Deymihii ay dowladeenu waydiisatay IMF
maalin dhawayd Oo Jawaabteedu Noqotay 350,000,000 Dollar Lacag Kabadan Oo Daymo
Hore Loo Siiyay Ah Meel Kusoo Sheega, Kalsoonidaasna halkaa ayay ku baaba'day.
Waxaan
Rabaa inaan Soo Gunaanado Hadalka, Dowladan Uu Hogaamiyo Mudane Xassan sheik
Waxay Ka gashay Dalka Iyo Dalkaba Danbiyo Waawayn Oo ay Ugu Horeyso Xil Gudasho
La'aan Oo Micneheedu Yahay Intii ay wax qaban Lahayd Iyada ayaa Isku
Mashquushay Oo Kana Rid Kana Keen Ayay Waqtigii Isaga Lumisay Waa In Lawada
Maxkamadeeyaa Dhamantood Kasoo Bilaw Madaxwayne Ilaa Xildhibaan, Waxaan Qabaa
In Chance Lasiiyo Hogaamiyayasha Ku Howlan Waxkaqabasha Dalka Iyo Dadka Kana Wanaagsan
Caada Qatayaashan Dal Iyo Dadba Halkaa Dhigay Maanta...
Haddad
Dhanka wanaagsan Ka Eegay Qormadeyda waad Mahadsan Tahay!!!
#QARANIMOQOFMAHA
#QARANIMOQOFMAHA
Comments
Post a Comment