Talooyin

Tilmaamo iyo Talooyin 
Marka hore waxaan u hambalyeeynayaa umadda soomaaliyeed meel walba o ay joogaan waxaan kaloo hambalyo udirayaa madaxwaynaha dowlada soomaaliyeed mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo, waxaan kuugu hambalyeeyey xilka culus ee dadka oo dhani dareemayaan culayska uu la egyahay iyo masuuliyada dhex maquurta, qof walba oo shacabka soomaaliyeed kamid ah waxa uu kaasugayaa in aad u dhaanto sida ay yihiin maanta, waxaan doonayaa inaan kaala taliyo kuna tusaaleeyo arrimo dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay kamid yihiin dadku waxa ay kaasugayaan:

Ugu Horeyn Tilmaamaha:-
¥ Madaxwayneyaashii adiga kaa horeeyay waxa ay ahaayeen kuwo shacbiyad leh hayaradaano ama ha badnaadaano xilka markii loo dooranayay, balse markii uu inaga tagayay ilmaha dugsiyada dhigtaahi way ogaayeen waxa uu galay iyo waxa uu guday intaba marabo inaan hoos u dhaadhaco midmidna aan u dul istaago.

¥ Maamuladii kaa horeeyay ma aysan ahayn kuwa lamacaamila dadka caadiga ah ee ay hogaamiyaan dadkuna waxa ay u arkayeen koox kaligood tashi ah, iyaga uun gaara go’aanka shacabka quseeya iyaguna fuliya sida uu doonaba ha ahaadee.

¥ Maamuladii adiga kaa horeeyay marka ay talada dalka qabanayeen waxa ay hiigsanayeen ahdaaf/himilooyin halku dhigyo quruxbadan watay inta aan ka xasuusto amaan, amaan, amaan waxa ay ahaayeen kuwo ugu badnaa, halka maanta aynu joognana cid looga shekeeynayo malahan amaba maba jiro.

¥ Maamuladii kaaga horeeyay xilkaan waxa ay koobeen ilaha dhaqaalaha ee dalka, haba ukala firfircoonaadeene haddana ma aanu ahayn Isha kafarta ama mid u cad dadka shacabka ah ee ay hogaaminayeen, sidaa silamid ah maamulku ma aanu ahayn mid daadagsan dadkuna ay kadareemayaan lahaansho.

¥ Xilkaan madaxwayne waa meerto mana ahan mid dhamaystiran oo dhaman agabkii uu ubaahnaa uwada dhanyihiin sida maamul wanaag, ciidan xoogan, wadamo saaxiibo wanaagsan ah, xuduudo gacanta ugu jira, maamul goboleedyo caafimaad qaba, culumo is raacsan, dhalinyaro iyo haween wada nadiif ah, iyo maxkamado loo dacwooda lehna cadaalad iyo isku halayn dhiifoon.

Haddaba Talooyinka ii Muuqda 
⁃ Waxaan kaala talin lahaa nin jeclaysi iyo kooxaysi aan ka ahayn xisbi sharciyaysan, dadka kuu dhawna ha ahaadeen shacabka iyo rabitaankooda, oo aanay noqonin talooyinka lagu siinayano kuwo barxan oo loo meel dayin.

⁃ Waxaan kaala talin lahaa degdeg aanku salaysneen wada ogol iyo hufnaan, talaabooyinka aad qaadayso in ay ahaadaan kuwo taxadar badan uu kamuuqdo, barina eed aanay kaaga imaanin.

⁃ Waxaan kugula talin lahaa xoojinta ciidanka iyo dhaqan galinta sharciyada si loo helo xasilooni ku samaysan sharci iyo kala danbeynta, taasina waxaan isleeyahay waa arrin u baahan dhiiri galin iyo wax kasta oo ay ku hirgali karaan oo aad gacanta lagasho cidna aadan ku halaynin.

⁃ Waxaan kugulatalin lahaa in ladabagalo dhamaan mashaariicdii iyo qandaraasyadii dowladihii adiga kaa horeeyay bixiyeen, lana hubiyo sharciyadooda loona helo qoraalo bari loo aayo ama laga digtoonaado, mashaariicdaas intooda badan ma qaramaysna ama dad gaar ah ayay gacanta ugu jiraan waxaan ku talin lahaa in la qarameeyo dhamantood loona dhiibo dad nadiif ah.

⁃ Waxaan ku talin lahaa in aanu wadanka dhowr madaxwayne yeelan oo dadku aanay wada talinin balse maamulkaagu uu ka duwanaado kuwii kahoreeyay, dhanka is qabqabsiga maamulada, dowlada dhexdeeda, qorshe la’aanta, safarada tirade badan, wax walba oo qalad ahaa oo maamuladii adiga kaa horeeyay sameeyeena ay u noqdaan cashar dowladaada cusub.

⁃ Dadku waa ay kujecelyihiin waxayna banaanbaxyadu isqabsadeen Buuhoodle, Kismaanyo, Burco, Dhusamareeb, Beledxaawo, Baidhabo, Baladwayn, Boosaaso, Cadaado, Gaalkacyo, Garawe, Caabudwaaq, Nairobi Kenya, Mogadishu, Eirogaabo, Guriceel, Jowhar, Boorame, Qardho, Laascaano, Qaybo Badan Oo Europe Iyo Maraykanka Kamid ah, balse jacaylkoodu waxa uu isku badali karaa nacayb haddii ahdaaftaadu gaabis noqdaan, waxaa ii muuqda iftiin dalka oo dhan kabaxaya fadlan dadka himiladoodu ha u hagaagto adiga hogaan lagu diirsado ahaaw oo yaan sida xun lagaaga sheekeyn dooradashada lagu doortay midda xigta.

⁃ Waxaan ku talin lahaa raisul wasaaraha iman doona, kuna xiran magacaabistaada in uu ahaado mid lawada ogyahay hantidiisa, wasiirada dowladiisana sidaas oo kale, hantida adigu aad leedahay haddii aad inoogu darto waxay kafiicnaan lahayd kan raisulwasaaraha iman doona in la ogaado.

⁃ is dhaxgalka shacabka iyo ciidamada oo ah arin aad ay ula yaaban yihiin dhaman caalamka iyo maamuladii adiga kaa horeeyay iyo maamul goboleedyaduba, iyadoo la arkayay ciidan iyo shacab wada cuntaynaya, waxaan isleeyahay arrinkaan waxay mudantahay in si gooni ah loo wajaho lana sameey qorshooyin cadcad oo looga faa’iideysto dhanka amaanka gobolada, degmooyinka, xaafadaha iyo tuulooyinkaba.

⁃ Waxaa muuqanaya midnimada shacbiga soomaaliyeed oo loo kala sheekeeyay, lana kala qoqobay muddooyinkii danbe, waxaa si isku mid ah loogaga dabaal degay doorashadada madaxwaynenimo dhaman dalka gaar ahaan maamulada gadoodsan sida mamaulka soomaaliland, ahlusuna iyo dhulalka shabaabku joogaan intaba, waxa ay filayaan shacabkaasuna waxa ay tahay daryeel, sharciga iyo kala danbeynta, dowladnimo caadil ah, intaasuna waxa ay u baahanyihiin taxadar, tixraac iyo taagtaagsi kusalaysan wada ogol.

⁃ Mudane Farmaajo waa ladoortay waana madaxwayne lawada jecelyahay dowladdu hogaaminayo waa in ay la timaaddo ahdaaf cad cad oo ay ku ilaalinayso himilada shacabka soomaaliyeed (danta, dadka iyo dalka), ilaalinayana danaha iyo xiriirka aduunka, iyada oo si dhab ah ugu kuurgalaysa danaha dowladaha dariska ah, waxaan ka digayaa caadifad saamayn socod la'aan ah sababta.

Dardaaran Guud

⁃ Dardaaran kuwajahan shacbiga soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, dadwaynoow waxaad muujiseen shucuurtiina, waxaa hubaal ah in baahiyadiinu aanay ahayn mid iyo labo waxa ay kabadan tahay baahidaasu tiro afarsano ah, mafilayo in maalin ama afar sano lagu dhamaystiri karo dhamaan dalka baahida kajirta, waxaan isleeyahay waxaa muhiim ah in dowlada lala shaqeeyo baahiyadeenana aan kala hormarino oo aan usamaysano sida ay ukala horeeyaan, dowladana aan kula xisaabtano wax qabadkeeda iyo fulinta waxa inaga turnumaya balse waxaa wax walba kahoreeya, inaan lashaqayno dowlada, aamino dowlada, lahaano dowlada, iscaawino shacab iyo dowlad inaga oo is xambaarsan.

⁃ Dardaaran kuwajahan Dowlada, dowlo waa inaad leedahay ahdaaf cad cad lehna qorshe shaqo oo waqtiyaysan, laxisaabtan dhab ahna uu muuqdo, dadka aad matashaana ay arki karaan waxqabad hufnaani kudheehantahay, madaxwaynuhu waa in uu isha ku hayaa rabitaanka shacabka balse aanu raacin talooyinka kuwa udhawdhaw iyo kuwa uu jecelyahay lajoogitaankooda, waa hubaal muddada yar ee xilkaanu saaranyahay madaxwayanaha cusub iyo xukuumada uu dhisi doono in aanay dhamaystiri doonin dhaman baahiyada shacabku qabo, balse haddii ay jirto wadatashi, hufnaan, iska warqab, badbaado qaran, howl wadaag ay layeelato  shacabka, waxaa hubaal ah in aanay jiri doonin dowlad iyo shacab lookala sheekeeyo dadkuna gaari doonan in ay difaacdaan hogaankooda.

Qoraalkaan Waxaa Uu Fasax Uyahay Dhaman warbaahinta Jecel in ay lawadagaan aqristayaashooda iyo asxaabta jecel in ay share gareeyaan.
W/Q Abdirahman Ahmed Haile

Comments

  1. masha allah waa dardaaran guud waana midkii niyadayda kujiray markii la dhaho dardaaran. madaxweynahana inay gaari doonto waan rajaynayaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin