Xabadi Kari Waysaye Bal Markan Sunta ku Day

Adigaan Ogayne Mudane ama Marwo Somaliya Waa Mashruuc, Somaliya Waxaa Lagu Tijaabiyay Wax Walba ee Umad Udaran Waxaa Lagu Baroobeyay Sunta Badaha Waxa Ayna Kasii Qaadeen Caafimaad Badan.

Waxaa ay Taasi u Cuntami Waysay Soomaali Diidkii oo Waxa Ay Haddana Isku Dayeen Si Ummadan Lagu Kala Yareeyo Waxa Ay Inoo Keenen Qaraxyo, Xabado Farabadan iyo Waliba Gowrac Aan La Ogayn cidda Geeysanaysa Balse Ummadu Waxba Kama Badalin Moralkeedii Oo Dhib Iyo Dheefba Gacmaha Ayay Isqabsadeen Oo Waxaad Modaa In Marxaladii Dhibka Laga Soo Kabsaday Inbadan Balse Middas Waxay u Cuntami waysay Soomaali Diid Oo markaan Waxa Ay Bal Kudayeen Sun Waliba Waxa Ay Ugu Dareen Ceelashii Biyaha Bal Si Ay Midaanu U Noqoto Tii Kala Yareyn Lahayd Ummadan Soo Jeeda Ee aan Dhamanayn.

Sikastaba Ummadan Waxaa Sameystay Allaha Subxaanahu Watacaalaa, Bini'aadamna Wax Uu Kusamayn Karo Malahan Xittaa Haddii Aduunka oo Dhami Ay u Kulmaan Wax Uu Alle U Qoray Maahane, Waxaan Usoo Jeedin Lahaaa Dhamaan Ummadan Soomaaliyeed Meel Walba Oo Ay Joogaan In Ay Gacmaha Is Qabsadaan Waxii Soomaali Dhibayana ay Meel Kaga Soo Wada jeestaan.

Soomaaliya Inta Dhiban Allaha Kaqaado Dhibka, Inta Xanuunsan Allaha Caafiyo, Inta Dhimatayna Allaha U Naxariisto, Inta Noolna Qalbigooda Allaha Isku Wanaajiyo

Soomaaliya Hanoolaato, Somaaliya Hanoolaato, Soomaaliya Hanoolaato

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin