Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin

Shalay oo taariikhdu ahayd 25 October ayaa waxaa mar qura dhegehayga kusoo dhacay Raisal wasaaraha soomaaliya ayaa waxa uu isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, runtii wax cajiib ah uma sii arkin hadalkaas duul duulka ah ee ay dhagahaygu maqlayeen hase ahaatee markiii in cabaar ah aan sii dhagaystay warka oo inoo aqrinayay saxiibkeey ayaan waxaan kala baxay hadaladiisii waxaa laysku badalay wasiiradii xanaaneynta xoolaha iyo dhirta iyo daaqa iyo wasiirkii kale ee cadaalada garsoorka iyo arrimaha federalka.

Runtiii hadalkaas waa uu isoo jiitay oo aad ayaan ugu dhegraariciyay waana soo dhaweeyay arrinkaas aniga oo aan xil hayn, saxiibkeeyna qosol ayuuba kusiii daray isaga oo leh hadda ayuu dalku degayaaa oo raisul wasaaruhu hadda ayuu xaqqa fahmay isaga oo ula jeeda faarah meesha cadaalad kuma hayn ee dastuur kusheega ayuu madaxwaynaha u qodobeyn jiray waliba sida uu rabo markaaas.

Saxiibkeey ma ahan siyaasi mana hayn xil waa shaqsi sideeyda oo kale ah balse arrimaha soomaaliya aad ugu dhuun daloola waana qof fikir badani kabuuxo waan laga faaiideysanaynine, markii uu inoo dhameeyay qormadii ayaan dhinac ula baxay una sheegay in wadanku inoo baahan yahay dhinac walba haba ugu yaraatee fikir iyo talo, saaxiibkeey waa uu ila qaatay taladii waxa uuna iigu sii daray in uu hayo tabo badan oo aan talooyinka ku gaarsiin doono halka ay ku qotonto markaas oo aan u fahmay saxiibkeey inuu galaan gal badan dhanka dowlada ku leeyahay, waaan balanay saxiibkeey kuna balanay in qofba wax uu soo diyaariyo haba ugu badnaato talooyin aan siin doono wasiirada ku cusub xafiisyada waa wasiirka cadaalada garsoorka iyo arrimaha federalka iyo wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqeee.

Waxaan ku balanay saxiibkeey inay taladeenu u badnaato wasiir Caliyoow Ibroow oo howl badani u taalo inaga oo is tusmay markaas in uu siyaasada kaalin fiican ka ciyaari karo sababtuna ay tahay wasaarada loo magacaabay culayska ay u leedahay labadan maroodi ee awooda isku haysta, si kastaba ha ahaatee saxiibkeey waynu kala tagnay is macasalaameynay kuna balanay halkii aynu ku qaxwayn jirnay galabkii.

Waaa xiligii aynu balan sanayn saxiibkeey wana salaada casar kadib iyo maqaaxidii yareyd ee qaxwada macaneyd, waan kaga hormaray saxiibkeey halkii balanta oo koobkeeygii waan sii qadintay aniga oo is leh inta aad sii wado ayuu iman doonaa lakin may dhicin oo saxiibkeey waa uu igu soo daahay balse nasiib wanaag isaga oo nabad qaba ayuu ii yimid, iswareysi gaaban kadib waxan waydiiyay sababta uu balantii uga soo dib dhacay iyo howshu halka ay inoo maraysay, waxaan intaas ugu sii daray oo aan gacanta kasii saaray waxoogaa qoraal ah oo aan ugu talo galay bal inuu tifatiro una gudbiyo wasaarada cadaalada oo aan usoo qadimay anigu.

Hasse ahaatee saxiibkeey firfircoonidii saaka iyo farxadii ka muuqatay maleh, waxan is waydiiyay tolow saxiibkaa maxaa ku dhacay, ma dhib ayaa soo kordhay ma wasiiradii ayaa qaarkood xilkii diiday oo isagii ayaa lamagacaabay, markaan in cabaara ah intaas masxakdeyda ku celcelinayey ayaan sual waydiiyay waliba si kal iyo laabi ku jirto, war heedhe maxa is badalay??? Saxibkeey oo aan inbadan aqaanay ayaa sidii caadada ahayd isku dayay inuu in qanciyo suashana iigaga jawaabo war heedhe nin yahaw soo farxiyo mataqaanid??? Waan naxay farxiyo waa saxiibkeey gabar ay aad isugu fiicnaayeen kuna balameen guur kana shaqayn jirtay wasaarada cadaalada iyo garsoorka iyo arrimaha federalka, waxaan lasoo booday war haahe ma dhibaa qabsaday gabadhii, markaasuu yidhi maya lakin way isoo wacdayoo waxay ii sheegtay in haddii faarax uu meesha kabaxo aysan shaqadeedu sii jiri doonin, sidaas darteed talooyinka aan bixineyno waa in ay ahaadaan wasiiradu sidoodii hore ha ahaadaano farxaduna tii saaka ha inaga ahaato inaga oo gabadhaas shaqadeeda fiirinayna.

Waan yaabay runtii wana kasoo tagay saxiibkeey aniga oo amakaagsan kana fikiraya waxa xiggi doona, isla saacado kadib warsaxafadeed ayaa kasoo baxay aqalka madaxtooyada ee soomaaliya waxaa kamid ahaa nuqulkaas warsaxafadeedka in madaxwaynuhu u dulqaadan jiray waxyaabo badan oo xitaa ay ku jireen sharciyada oo uu Raisul wasaaruhu dabo mari jiray isaga oo fiirinaya DANTA GUUD hasse ahaatee madaxwaynuhu waxa uu udul qaadan waayay xilil isku badalkan uu sameeyay Raisul wasaaruhu isaga oo ka eegaya uun Faarax Abdulqadir balse aan u fiirinin DANTA GUUD taasna waxa uu ka doorbiday inuu xanaaqiisa banaanka keeno.

Haddaba saxiibkeey iyo madaxwaynuhu maxay ku kala duwanyihiin???!

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI