SIDENI HORE HANALO CELIYO!!!!
Caawa waxaan aqristay qoraal kasoo baxaay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee dowlada federalka ah ee soomaaliya.
Runtii waxyaabaha laga wada hadlay cinwankodu waxaa kamid ahaa arrimaha amaanka, misaaniyada 2015 e wasarada maliyada iyo hantidhowrka qaranka balse cinwanidii ahaa in laga hadlo sida waxa ka dhaqan galay iskushandhayntii uu raisul wasaaruhu ku sameyay wasiiradiisa labo maalin kahor kuma ay jirin.
Haddaba maxaa is badalay??? Waxaan maqli jiray sheeko aad u xiisa badnayd oo ku saabsanayd labo nin oo aad ukala murqo kuusan ayaa maalin wada dagaalay, dagaalku waxa uu ahaa mid aan laga fiirsan micnaha aan loo meel dayin, dagaalku waxa uu ka bilawday gacmo isku taagtaag iyo hadal duul duul, mid ka nimanka dagaalami doona ayaa la celin kari waayay, waana midka isku tuhmayay bal inuu ka muruq kuusan yahay midka kale ee markaas u muuqday.
Hadaba baxbaxsasho kadib odaygii waa la fasaxay oo dagaal ayuu soo qaaday waliba mid aan taatiko fiican ku salaysnayn, dagaalki ayaa bilawday odaygii dagaalka soo qaadayna waxaa lagu helay qonof waliba kuwa jiifka ah, war yaanan kugu daalinine odaygii is biday waxogaa xooga waa laga kormaray oo afkaaa ciida loo daray.
Odayaashii qaar ka mid ah oo meesha ka dhawaa dagaalku markuu bilaabanayay ayaa isku qabsaday halakala kiciyo iyo haloo kaadiyo kan hoose ayaa markii hore la celin waayaye, hase ahaatee waxaa lagu guulaystay in lakala kiciyo, balse maxaa dhacay odaygii hooseeyay lagana kiciyay midka kale horeyna loo celin waayay ayaa lacelin waayay mar kale hase ahaatee ninkii laga kiciyay kan hadda fakanayaa ayaa hadlay oo yiri "RAGOW AMA SIDEENI HORE NAGU CELIYA AMA NAKALA CELIYA" oo uu ula jeeday ninka waan ka sareeyaye dhulka ii dhiga aan sidii ugu fariistee.
Waxaan ula jedaa hadalkeyga cabdi wali waxa ilawsiiyay goankii labo maalmood kahor uu qaatay oo isku shaandhaynta wasiirada wax yar ma ahan ee aan u dhahee inta uusan hadal ka tagin cabdi wali halkii hore haloogu celiyo, oo sida muuqata wax uusan ku tashanaynin ayaa kasoo hoos baxay ee bal adiguba qiyaasoo ma TURKIGA ayaa howsha soo galay, ma NOCKLOS KEY ayaa howsha galay mise PUNTLAND ayaa odayga hadalkii ay usoo dhiibtay kaga laabtay.
Anigu ma ogiye adigu ma ogtahay, bal qiyaas aragtidaada maxaa is badalay??!
Comments
Post a Comment