HADAN LO HELIN LAMA HALELIN!!!

Waxaan rabaa inaan wax qoro fedelka iyo dadku waxa ay ka fahan sanyihiin, oo qormadeyda bilawgeeda ama cinwaankaba aan uga dhigay haddan loo helin lama haleelin.

Haddaba waa maxay federal maxuuse faa'iido iyo khasaaraba leeyahay?? Haddaba waxba lama diido adiga oo aan u helin isbarbardhig waxa aad diidayso khasaaradooda iyo faa'iidadoda, markaad hesho ama ay kula muuqato waxan inay faa'iidoyin badan leedahay waa laqataa haddiise aysan fa'ido badnayn khasaareheduna uu badanyahay waa laga tagaa ilayn waxba soma kordhinayeee.

Fedaral waa hab dowladeed ku dhisan is maamul goboleedyo ama maamul hoosaad leh meel laysugu yimaado oo dowlad dhexa ah, waa maamul daadajin kusalaysan in qof walbaahi uu helo adeegii dowladeed ee uu shacbigu u baahnaa iyada oo loo soomarayo in dadku yeeshaan shuruucyo ama habnidaameed kaduwan kuwa gobolada kale ee ay iskula jiraan dowlada kaga duwanyihiin balse aan wax u dhimaynin nidaamkii iyo shuruucdii lagu mideysnaa ee dowlada dhexe.

Haddaba mahaynaa wadadaas waa dulucda qoraalkayga aan cinwaanka uga dhigay "HADAN LO HELIN LAMA HALELIN" dowladeena federalka ah ee soomaaliya waa dowlad laga aqoon sanyahay aduunka balse aan laga aqoonsanayn gudaha. Micnaha hadalka ayaa waxa uu yahay wadan siduusuba waxa uu leeyahay wax afka qalaad lagu yiraahdo Internet sovereignty and External sovereignty oo ulajeedadedu yahay wadanku inuu ku leeyahay calan iyo dowlad la aqoonsanyahay dunida inteeda kale, iyo sidoo kale wadanku gudihiisu inuu yahay wadan leh awood ku ku maareyn karo sharciyadiisa gudaha haddii ay ahaan lahayd Amaanka, dhaqaalaha, fulinta awaamirta maxkamadaha dhaqan galinta nidaamka iyo kala danbeynta.

Haddaba wadanku waa uu ka qayb galaa shirarka caalamiga ah isaga oo ka muuqda kursigii uu kulahaa aduunka calankiisuna waxa uu umuuqdaa mid ka dhex babanaya caalamka, balse lama helin middii guda ahayd ee wadan uu ku taami lahaa dadkiisu, sababtuna wax kale ma ahan oo waa wadaniyad xumo wayn ayaa ii muuqanaysa tusaale maanta haddii aad microphone qaadato ee aad wadooyin magaaloyinka waawayn aad ladhex qaado qofkii kasoo horbaxana aad waydisu suaal ah kumaa tahay waxa ay jawaabtiisu noqonaysaa walaal anigu reer tuulo land ayaan kasoo jeedaa waxaa ka baxay meesha SOMALI baan ahay.

Waxaan rabaa bal inaan bidhaamiyo xalku sida uu iila muuqdo haddan rabno in aynu helno federal gobaladu ay helaan maamulo u gooni ah si dadka loo gaarsiiyo adeega dowladnimo ee ay u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korantada, wadooyinka iyo halka ay kadhimatay ee Amaanka bal waan lahelaa kuwan:-

1. Haddaba haddan loo helin dastuur dhamaystiran oo ay gacanwayn ku leeyihiin Culimada, Oqaasha, Dhalinyarada, Haweenka, Ganacsatada, Siyaasinta wax galka ah ma ahan kuwa ay ku qufulantay Tuuloland, Aqoonyahanaduna aanay hormuud u noqonin haddan loo helin kuwaas lama haleelin halkii loo rabay.

2. Hadaba haddan loo helin masuul maamul yaqaan ah, wadani ah laguna soo doorto si xalaal ah doorashadiisuna ay kawada qayb galaan Culimada, Oqaasha, Dhalinyarada, Haweenka, Ganacsatada, Xisbiyada Siyaasada, Hormuudna ay howshaas kayihiin Aqoonyahanadu, hadan loo helin lama haleelin halkii loo rabay.

3. Hadaba intaas oo lagu daro Allah kacabsi, is Aaminaad, is xaqdhawrid, isku calool fiyoobi, isu tanaasul, lagana dhex bilaabo Culimada, Oqaasha, Dhalinyarada, Haweenka, Ganacsatada, Siyaasinta wax galka ah ma ahan kuwa ay ku qufulantay Tuuloland, Aqoonyahanaduna aanay hormuud u noqonin howshaas, intaasna hadaan lahelin lama haleelayo halka hiigsugu yahay soomaalaay.

Waad ila wadaagi kartaa waxii fikir ah adigoo igala xiriiri karta bartaydan ama emailka ah abdihaile@hotmail.com
Mahadsanidin
Haile

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin