HADDAD SOO ASTAJOOTAY WAAD KU WAYSAYSAN KARTAA!!!

Soomaaliya Bariisaadkii waxay ahaaan jirtay dal aad looga hibaysto dhanka Africa iyo Carabaha waxaa lashegaaa in Somaliya ay qaybo waawayn ku lehayd dhismayaasha qaybaha kala ah jaamacada carabta iyo Midowga africa, waxaa intaas dheer in wadanka aynu kasoo jeedno ee midabkiisu yahay Africanka ah, Kana midka ah jaamacatul carab uu qayb lixaad leh kasoo ciyaaray in ay xoriyadooda madax banaani ay helaan wadamo African iyo Carab ah.

Hadaba halka aan usocdo ujeedkeeda aan bidhaansho, ilayn horta doqoni abaal maleh, dadyowgii aaynu gurmadka u fidinay ee isugu jiray Carab iyo Africanba maaneey gudan abaalkoodii inaguna maanan garowsan xaqiiqda oo inaga ayaa isku jeednay walina isujeedna halkii aynu danta Dalka, Dadka iyo Diintaba fiirin lahayn maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd "SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA ADAN HANBAYN" waxay ahayd sheeko nin oday ah ayaa waxa uu koriyay wiil uu markaas kahelay meel cidlo ah oo dadkiisu kaga tageen abaar xun oo jirtay awgeed, ninkii odayga ahaa waxa uu uduubtay korinta wiilkii waxa uuna gabay in uu isagu reer yagleesho kuna tacab iyo tiirba beelay wiilkii yaraa ee uu meesha kasoo qaaday, lkn sidii uu filayay manay noqone ninkii markii uu xogaabeystay ayuu odaygii kaga tagay halki laga rabay in uu hamaamudo (Ka xanaaneeyo), odaygii waa uu maahmahay oo waxa uu kagay xiadan soomalidu isticmaasho oo ah Sidaan kuugu lisay maadan iigu hanbeeynin.

Haddaba dagaaladii sokeeye ee dalka ka dilaacay waxa ay sababeen xulufeysi siyaasadeed oo waliba ay horboodayeen hogaamiye kooxeedyo hadda gabalkoodi dhacay iyo kuwo taalooyin looga dhisay gobolada soomaaliyeed qaarkood laguna maamuuso kala dhaqaajintii iyo kala gayntii dalka iyo Dadka, haddaba eedaas aan u hayo ama aan ku xasusano hogaamiya kooxeedyadaas waxaa hiil iyo hooba la garab taagnaa wadamadii aanu siinay caawimaada markii ay u baahnaayeen, waliba waxay hub iyo dhaqaale ku bixinayeen in soomaaliya aanay soo laaban oo ay burburto iyada oo ladhihi karo waxbadan ujeedadoodii waa ay suura gashay oo hadda soomaaliya waxay leedahay calamo badan oo qofkii soomaaliga ahaa bari maanta waa reer gobol, oo aan ula jeedo waxaa ii sheekeeyay gabar Ajnabi ah oo igu tiri qofka soomaaliga ah haddad sual waydiso oo aad ku dhahdo who are you? Or where are you from? Waxa uu ku leeyahay i am from reerland!! Ee haddad soomaali tihiin wadankina waad qaysateen, runtii wax aaan ku farxo manay noqon.

Intaas waxaa dheer hadda intii wax garan kartay ee wadaniyadu ku hartay waa ay garteen in aysan waxba taraynin tafaraaruq iyo gobolaysi danta soomaaliyeedna ay ku jirto gacanta oo layka qabsado lagana wada shaqeeyo qarinimada waxa ay inooga tageen hogaamiye kooxeedyada iyo rajiimuadii taageeda u ahaaa oo aad maanta dareemaysaan halka ay ku danbeeyeen. 

Tusaale koroneyl qadaafi oo ka talin jiray wadanka liibiya waxa ay soomaaliya u ahayd rididiisu hormar iyo baraare waana hubaa in ay ka raysan doonto, Xusno mubaarigii Masar isana rididiisu waxa ay u ahayd soomaaliya nabad iyo nabar ka fuqay, Saalaxii Yaman waxa uu isana ahaaa qodax ku taagnayd soomaaliya inkastoo ay jiraan kuwo wali jira haddana soomaaliya waxay cagta saartay wadadii hormarka mana u malaynayo in ay u darsan doonto kuwa aan kor kuxusay.

Hadaba waxaan maqlayay maalmahan in Madax waynaha soomaaliya iyo Raisal wasaarahaba looga yeeray wadan kamid ah wadamadii dhibaatadu inooga iman jirtay ee Masar, oo madaxwaynaha hadda  jiraahi u yeeray isaga uu tuhunsan in soomaaliya wadankiisu saamayn ku lahaan jiray, haddaba waxaa jirtay sheeko runtii aan ka maqlay nin oday ah waxayna ahayd sidatan "nin oday ah ayaa waxa uu ahaa nin aad u ilaalsada UBADA ama weelka lagu wayseysto ama  caagada weysada hadba sidaad u taqaan, ninka odayga ahi ma uusan u ogolaan jirin Ubadiisaas qofna balse maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin dhalin yaro ihi helay caagii biyuhu ku jireen isaga oo dagan markaasuu waxa uu la aaday halkii lagu xaajaysan jiray ee Suuliga ama Musqulsha hadba sidaad u taqaan, ninkii dhalinyarada ahaa waa uu soo xaajo gutay balse markii usoo laabtay ayaa loo sheegay in caaga uu ku soo xaajooday uu leeyahay odayga markaasuu waxa uu ku yiri adeer aan ku wayseysto Ubada?? Odaygii oo ka xanaaqsan markii horeba qaaditaanka Ubada ayaa ugu war celiyay haaa adeer isaga wayso qaado haddad astajo leedahay oo uu ula jeeday musqusha inaad ku aadaba maadan u haysanin fasax, marka ninkaan ladhaho Sisi ee hadda xukuma masar maba astajo lahan ee maxuu soomaaliya u wada hadal ugu furaa!!! Ilayn hal xalaal ah ayaa nirig xalaal ah dhasha dowladiisu maba ahan dowlada wax dhexdhexadin karta oo waa dowlad aan xalaal ahayn.

Mahadsanidin 
Haile

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin