RAJADII UMADA RIYO MIYEEY AHAYD??!

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1991kii lana eryey Siad Barre waxaa xukunka isku qabsaday Jabhaddii ka saartay meesha, waxayna ka koobnaayeen sabhadahaasi kuwo u ababulan qaab qabiil, si kastaba taliskii hore ee Siad Barre dhiig farabadan ayaa ku daatay. Waxaa 2000-2004 La lagusoo doortay magalada Carta ee dalka Jibuuti Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan dowladii lagu magacaabi jiray TNG oo iyana ay ka horyimideen Hogaamiye Kooxeedyo ka haray jabahadihii dalka qabsaday oo wali aan doonahayn wax dowlad soomaaliyeed ah. Kadib waxaa markale  hadana lagu soo doortay Magalada Inbigaati ee dalka Kenya madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed doydwladii federalka kumeel gaarka ahayd oo iyana lagu magacaabi jiray TFG oo iyadana ay ka horyimideen isla Hogaamiye kooxeedyadii muqdisho  iyo maxaakiimtii Islamiga oo uu markaa horkacayay Sheik Sharif, waxaa sii xigay Ciidamo itoobiya Ka socda oo dalka qabsaday iyagoo gacan siinaya Dawladda markaas jirtay, Iscasilaadii madaxwayne Cabdilahi Yusuf  kadib waxaa la soo doortay sheikh shariif sheikh ahmed oo ahaan jiray hogaamiyihii maxaakiimta islamiga ahayd ee ka hortimid Dowladi CABDILAHI YUSUF, Sheik Sharif Dawladiisiina waxaa ka horyimid Al-Shabaab dagaallo farabadan oo dhiig ku daatay ayaa dhacay, waxaa meeshaas ku dhamaaday Kumeel Gaarnimo. Dawladda Soomaaliya Gacanteeda hadda waxa kusoo laabtay Dul fara badan oo uu Al shabab ka talin jiray muddonyinkii danbe markii laga soot ago dowladii dhexe e soomaaliya oo katalin jirtay bariisamadkii balse anay nasiib u helin dowladihii ka horeeyay middan federalka ah ee ku meel gaarka ahaa wagaas, Waxaa Dawladda Gacansiiya Ciidamada AMISOM.

Haddaba rajadii shacabku ma helay mise waxay ahayd riyo? waa qoraalka aan rabno inaan jeexjeexno walibana aynu ka doodno si cilmiyeeysan, 10-kii September sanadkii 2012 waxaa xilli fiid ah doorasho taariikhi ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho Madaxweyne loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo dhex baxay ilaa 20-musharax oo ku loolamayay doorashadii madaxtinimada ee xilligaas loo tartamayay. Muddo labo sano iyo waxoogaa ayaa ka soo wareegatay curashadii dowladii ugu horeysay oo rasmi ah markii ay dhacday dowladii xooga badnayd ee uu hogaaminayay Siad Barre madaxwaynihii militeriga ahaa, isla markaana dalka gudihiisa lagu caleemo saaro dowlad aan KMG aheyn. 

Haddaba waxaa jiray balanqaadyo iyo rajooyin isdaba yaalay oo marna balanqaadyadaas uu sameeyay madaxwayanaha iminka jira ee xasan sheek, iyo rajo ay qabeen umada soomaaliyeed ee dhowrayay dowlada federalka ah ee aan kumeel gaarka ahayn ee hadda jirta, waxaa is waydiin mudan maxay ahayeen balanqaadyada uu sameeyay madaxwaynaha hadda hogaamiya dowlada federalka ah? waxay ahaayeen lix tiir oo uu sheegay madaxwaynuhu inay ku tilaabsanayso dowladiisu oo muhiimada ay saari doonto dadkana rajo wayn ku abuurtay waxayna ahaayeen lixdaas tiir ee uu inoo sheegay madaxwynuhu sidan:- 1) Xasilinta dalka,saraysiinta Sharciga iyo dowlad wannaaga. 2) Soo noolaynta adeegyada Bulshada. 3) Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta. 4) Soo noolaynta dhaqaalaha dalka. 5) Midnimada iyo Wada jirka umada. 6) iyo Abuurida Xiriir Caalami ah.

Haddaba intaas uu balanqaaday madaxwaynuhu waxay ahayeen rajadii umadu ay ka lahayd dowlada federalka ah ee soomaaliya ee miyay heleen mise rajadasu waxay noqotay riyo maalmeed aanay macquul ahayn in ay rumoowdo, waxaan dhihi karnaa caqabado badani hajiraano lakin dadaalkii larabay dowladeeenu manay muujin, rajadii shacabku ay kalahayeen dowladana waa ay lumisay oo malinba marka kasii danbeeysa in ay rumayso rajada shacabka iska daayo waxan arragnaa isqabqabsi dhexdeeda ah oo kusii abuuraya shacbiga soomaaliyeed rajo xumo iyo kala fogaansho dhexdooda ah.

Haddaba maxaa la gudboon hogaanka dalka? waxaan dhihi karaa caano daatay dabadood laqabay, dowlada hogaankeedu mawada xuma oo runtii waa dad aqoon leh mug iyo miisaana ku dhex leh umma soomaaliyeed balse waxaa jira kuwo aan rabin dal iyo dad una shaqaynaya cadowga umadda amaba calooshood ushaqaystayaal ah, waxaa jira sedex awoodood oo dowladi leedahay mid waa FULINTA oo ay kuwada jiraan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha, Midna waa GOLAHA BARLAMANKA (SHACABKA) iyo GARSOORKA, Haddaba sedexdaas awoodood oo aan wada shaqayn lagama yaabo in lagaaro rajada umadda soomaaliyeed, waxayna u baahantahay tanaazulaad farabadan oo ay muujiyaan hogaaanku si loo samata bixiyo dalka iyo dadka loogana guulaysto calooshi u shaqaystayaal iyo cadow u shaqeeyayaal wadankan u usoo afduubnaa muddo kabadan dhowr iyo labaatan sano.































Hadaba shacbiga maxaa iyagana lagudboon? waxaan dhihi lahaa shacbiyoow qaran waxa uu jiraa markii lahelo DAD, DHUL, iyo DOWLADA iyagu ay leeyihiin. Hadaba dadkii waa inaga, Dhulkiina waan haysanaa lakin dowladu waxa ay ka timid qabiil oo inaga inagama aysan imaan rabitaan keena shaqsiyadeed, lakin dowladaasi ma shaqayn karto dad la’aantiis iyo dhul la’aantiis, dadkiina waa inaga dhulkiina adinkaa degan marka waxa ay tahay in lala shaqeyo dowlada si loo gaaro midda aan inagu rabno ee ku timaada rabitaanka shacabka, si loogaaro mid aad adigu rabto waa in lagaa helaa wada shaqayn kusalaysan wadaniyad iyo dowlad jacayl, haddi aad sheegto calooshi u shaqayste raba inuu kugu gaaro dan uu isagu leeyahay ama cadow u shaqeeyo raba inuu fuliyo dad cadow waxaad qabatay wax aanay dowladi qaban wadankuna waa uu ku xusi doonaa Insha ALLAH.
Fadlan waxii qalad ah aniga ayaa sameyay, waxii wanaag ahna waxay ka sugnadeen ALLAH, waxan codsanayaa waxii fariin ah oo ku saabsan qormadan waxad igula wadaagi kartaaa, adiga oo ka dhibta fikirkaaga qanka hoose ama emailkayga ah abdihaile@hotmail.com
Mahadsanidin
Haile

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin