WAQTI TAGAY QIBRAD, MIDKA TAAGAN NOLOL, KAN MUSTAQBALKANA QORSHE!!!

Waxan aad ula yaabay walibana aan la xanuunsaday sida dadkeygu ay wax u dhagaystaan walibana ay u maqlaan xumaanta wanaguna uusan sidaa ugu xooganayn, dadkeygu qoraalku aad ayuu ugu yaryahay mana aqriyaan qoraalada hadii ay aqriyaana kuwa dhibaatada ah ayay dhugtaan. Anigan hadda kula hadlayaahi waxan usoo joogay walibana aan ku garaadsaday iyada oo ay xabadu dhacayso, laqaxayo, la isboobayo, la isdilayo taasina ay muujinayso in aanay dowladu jirin xiligaas balse qabiilku uu yahay maxkamada kali ah ee dadku ay isaga hibaystaan. Sidaa oo ay tahay dalkaas dhib u jooga ah ayaan wax ku baranay kuna barbaarnay walibana aan aad u jeclahay mana jiro wadan ama meel kale oo aan ku badalanayo, Fikirka aan qabo dad badan oo aan isku jinsi nahay (soomaali wada nahay) ayaa qaba oo waliba ku qanacsan dalkooda iyo dadkooda, doonayana in ay isbadal keenaan walibana aynu la baratano aduunka intiisa kale walibana kuwa ugu hormarsan caalamka.

Haddaba aqristoow makula tahay in aynu gaari karayno, dad iyo dalal inaga hormarsan inta aynu jecelnahay inaan wax dhagaysano intii aan wax aqrin lahayn? makula tahay inaan gaari karayno dad iyo dalal hormarayay intii aynu ku jirnay dagaalada iyo isqabqabsiga? makula tahay inaynu gaarayno wadamo leh qorshayaal iyo nidaam maamul oo hana qaaday inta aynu taageersanahay ama u xusul doobeyno nin jeclaysi waliba aadan kuqabin wax intifaac ah hadii xitaa qofka aad dooneyso meesha loo daayo?

Runtii sualahaas oo idil jawaabahoodu waa may! may! may! sababtuna waxa ay tahay inta aad aqriso ayaad la egtahay, haddad wax aqriso waxad helaysa wax tagay oo kuu siyaadiya qibrad, wax lajoogo oo aad ka hesho sidii aad u noolaan lahayd iyo wax soo socda oo aad ku diyaariso waxa aad dooneyso mustaqbalka, haddaba haddii aan kabarano waxii tagay qibrad waxa lajoogana nolol waxa soo socdana diyaargarow waan huba wax walba oo ina dhaafay inaan garayno walibana aynu ka hormarayno Insha ALLAH. Dhanka kale kaba soo qaad madaxwaynaha hadda jira ee xasan sheik iyo raisal wasaraha jira ee cabdiwali sheik waxay inagu yeesheen samayn ah in aan loo shaqo tagin shaqooyinkii dowlada iyado oo loo dheg raaricinayo maxaa lasheegay, aqriste waxaad taageersantahay xasan sheik ama cabdi wali sheik midkood balse haddi maanta labadodaba loo daayo jagooyinka ay wadanka u hayaan makulatahay inay kuu ogyihiin inaad shaqo u joojisay maalin ama aad dhagaysanaysay warmurtiyeed uu maalintas idaacad ka aqrinayay,, Walahi jawaabtu waa maya ee adiga ayaa lugoay maalintaas oo aad fadhi ku dirir ku caysay ama kula dagashay qof walalkaa ah adiga oo u hiilinaya siyaasi ah miskiin markii uu rabo inuu xajisto kursi marka kalena aan dad iyo dal iyo diinba aan waxba u ogown.

www.Bulshada.com
Haddaba dulucda qormadaydu waxa ay tahay aan waxbadan aqrino si aan u haleeli karno cilmi baaris iyo isbarbardhig waxa ina dhaafay iyo waxa aynu joogno iyo waliba waxa la hiigsanayo si aan ugu jaan gooyno mustaqbalka dadka iyo dalka, iskuna day inta aad xoog leedahay ama aad wax garan karto inaad is badal keento.

Mahadsanidin
Haile

Comments

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin