MAGAC AYSAN LAHAYN U DHAGA ADKAA MASULIYINTENU!!!.
Dowlad wanaagu waa maamul wanaaga!! Waxay tahay ujeedadeydu waliba aan rabaaa in aan bal waxogaa idin kaga bidhaamiyo aqoontayda ku aadan Qaranimada, horta qaranimadu waa hibo uu Allah siiyo Dad ku nool degaan ama Dhul xududeysan micnaha la aqoonsanyahay dibad ahaan iyo guda ahaanba, iyo dowlad leh hab maamul oo kala sareyn leh maamulkeeduna uu ucadyahay qof walbaa uu tuhun uu kagalo.
Dadka aan sheegay waa in ay lahaadaan luuqad ay ku mideysan yihiin, dhaqan iyo diin ay wada ixtiraaman, waa in uu ka dhaxeeyaa ama ay wada leeyihiin hammi wadaninomo oo aan shaki kujirin micnaha Danguud waa inay jirtaa si looga dheehdo qaranimo.
Dowlada aan sheegayo waa in ay leedahay maamul lawada garan karo oo haykal dowladnimo ah sida in ay dowladu tahay:-
MIDKALI TALIS AH
MID SHACABKU U LEYAHAY
MID BOQORTOYA AH
MID HANTI WADAG AH iyo kuwo kalo badan
Mida aan u socdo uguna muhiimsani waa mida shacbigu leeyahay talo ahaan iyo karaali noqosho intaba, dowladaasi waxa ay ka koobnaan kartaa Baarlamaan, fuliyayaal iyo xeerbeegto. Baarlamanku waa qaabeeyaha baahiyaha dalka iyo dadka degan waxayna sameyaan siyaasada wadan uu leeyahay una gudbiyaan fuliyayaasha, fuliyaashuna waxay fuliyaan howlaha loo igmaday sidoo kale fuliyaashu waxay hindisaan baahiyaha u muuqda markaas una gudbiyaan baarlamanka si loo ansixiyo kadibna ugu soo laabato fulinta si ay howshooda u gutaan waxaana labadooda isku ilaaliya xeerbeegtida waana meesha ugu muhiimsan ee loo yaqaano aqalka cadaalada dowladina ay kadhisan tahay.
Hadaba dowladeena dib ugu laabo waa dowlad noocee ah, baarlamaanku qaab nuucaa ah ayuu u shaqeyaaa, fulintuse qaab noocee ah ayay u shaqaysaa, amaba kawaran xeerbeegtidu sideey u shaqaysaa, sida ii muuqata haddan lahelin cadaalad xoogan kuna salaysan diinta aan aaminsanahay ee islaamka dhaqankana inoo ah oo lagu daray baarlamaan xirfadeysan laguna doortay hab qaranimo jacayl ah iyo aqoon kusalaysan cilmi aqlaaqi ku dhehantahay, iyo fuliyayaal aan isqabqabsanayn ama aan ka koobnayn awwodo siman sida madaxwayne iyo raisal wasaare laguna doorto xirfad lawada ogyahay ee maamul wanaag dadkuna ay ku qancaan aqoontuna udheertahay.
Hadaba intaas aan kor kusheegay dowladeena kama muuqato mana ii muuqato ififaale muujinaya in loo socdo hadda, sababtuna waxa weeye waxaan arkaa baarlamaan howshiisii gabay lana kala saftay labo awoodood oo aan kala cadeyn waa raisal wasaare golihiisii wasiirada qaar taabacsan yihiin iyo madaxwayne isaguna wada wasiiro, haddaba waa lagartay in ay fulintu isqabqabsato layskuna fahmi waayo habkii loo wada shaqayn lahaa ee baarlamaankan laba shir jaraa'id kala qabtay maxay isku haystaan waa suale aawayse dastuurkii ay masuulka inooga ahaayeeen, la rabayna inay ku kala saaraan wax kasta ee mugdi ku yimaado aawayse xeerbeektidii cadaalada loo igmaday.
Haddaba nin ayaa hadda kahor waxa uu dhalay wiil, wiilkii ayaa magaalada soo galay hase ahaatee wiilku markuu magaalada soo galayay magacii aabihiis oo cabdi ahaaa ayuu u badalay Abdilahi, waxaana loogu yeeri jiray ina abdilaahi maalintii danbe ayuu odaygii baadiyihii ku xanuunsaday wiilkiina isku dayay aabihiis oo cabdi ahaa inuu magaalada keeno si loogu daweeyo, odaygii markii magaalkii lakeenay wiilku waxa uu ahaa nin bulsho badane qof walba oo soo booqda odayga waxa uu ugu yeeraaa adeer CABDULAHI bal iska waran? Hasse ahaatee odaygu iskuma yaqaano Cabdulaahi maalintii danbe ayay dadkii u adkeeysan waayeen dhaga adeyga odayga iskuna dayeen inay waydiyaan sababta uu udhagaysto magaciisa, odaygii oo markii horeba layaabanaa magacan ayaa si xikmadeysan ugu jawaabay dadkii kuna yiri adeer "MAGAC AADAN LAHAYN U DHAGO ADKIDAA" oo uu ula jeedo magac aadan lahayn maqalkiisu waa kugu adagyahay mana laga yaabo markii lagugu waco inaad horey kasoo jeesato xitaa hadi aad iska yeelyeesho.
Micnaha dulucda warka ayaa ah odayaashaan hadda ah baarlamaanka oo lagu daray kuwa fulinta oo lagu sii daray kuwa maxkamada sare magacyada ay inoo huwan yihiin waxa ay lamid yihiin kii odayga oo kale oo magac aysan lahayn u dhaga adkaa kuligood!!....
Mahadsanidin
Haile
Fadlan fikirkaaga aan xanafta lahayn ila wadaag!!.
Comments
Post a Comment