Nicklos Key Bravo,
Wadanka soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo ay ugu balaarnayd dagaaladii sokeeye, hase ahaatee haddan dib u milicsano marxaladihii hagaagsanaa ee wadanku soo maray waxaan ka xusi karnaa soomaaliya waxay ahaan jirtay ama ay kamid ahaan jirtay wadamada ugu quwada buuraan ee bariga Africa.
Wadanku waxaa soo maray dowlad shacabku doortay iyo mid militery intaba, waxa uuna lahaaa wadanku aqoonsi caalami ah iyo mid gudaha ah intaba, hadaan ka bilawno:-
1: midda caalamiga ah soomaaliya waxay ahayd wadan aad muhiim ugu ah wadamada caalamka oo dhan wadan walbana uu ku hamiyo inuu xiriir fiican layeesho, haba ugu badnaadano wadamadii wagaa horboodayay aduunka sida Rushkii waynaa iyo maraykanka oo lagu daray yurubtan hadda middowday.
2: midda gudaha ah wadanku waxa uu ahaa wadamada ugu amaanka badan aduunka, waxa uu ahaa wadan wax soosar kisuna uu aad u wanaagsanaa aduunkana laga yaqaanay wax sosarkisa lagana tixgaliyo suuqyada caalamka.
Intaas oo dhan waxay ahayd wanaga inaloo hayay iyo sida aan caalmka ka ahayn, hasse ahaatee intaas waxaa ka danbeeyay inaan galno marxalad badashay wax walba oo aan u haysanay taariikh mugdi kuslaysan humaag iyo isqabqabsi sababay in dawaco kastaahi maalin aan wax ka meersano.
Kafekeroo maanta wadanku mayahay xor oo maka baxnay kumeel gaarkii lagu jiray mudadii 14ka sano??! Jawaabtu waa haa balse necklos key uma qorna middaas oo waxa uu ka helay meesha dad wada dhagoole ah oo u hogaansan warsaxafadeedyada kasoo baxa xalane ee aadba moodo in ay kusoo xajiyaan siyaasiyiinta hor booda qarinimada soomaaliyeed.
Haddaba maxaay ila tahay?!
Aniga waxay ila tahay, nicklos key waxa uu u gafay qaranimada shacbiga soomaaliyeed meel wayna waxa uu uga dhacay sharafta xildhibaanada ka fiyoow laaluushka uu sheegay, marka waxaa la gudboon xubnaha baarlamanka iyo hogaanka baarlamankaba qodobadan soo socda:-
1:- in golaha baarlamanku uu kabadalo siyaasadihiisa kusalaysan dhexdhexaadnimada una hiiliyo dastuurka kumeel gaarka ah.
2:- in golaha baarlamanka uu xisaabtan taariikhi ah kasameeyaa sharaf dhacan uu u geeystay dawacan loo kala dhuunto ee nicklos key.
3:- in goluha baarlamanku uu kula xisaabtamaa madaxwaynahan fadhiidka ah iyo raisal wasaarahan dhagoolka ah dayacaadan qaranimo ee maalin iyo habeen ay kusamaynayaan wadankan lagu aaminay inay hogaamiyaan.
Haddaba shacbiga dhiilaysan laguna jahwareeriyay maamul goboleedyada maxaa la gudboon?
Waxaan leeyahay shacbiyoow xildhibaanka aad soo doorateen waxa uu huganyahay calanka soomaaliyeed hadduu garan waayo waxa loo doortay ee qaranimada uu daloocsho, fadlan yaan lagu taageerin xumidaas horseedka u ah in loo geffo madaxbananida ummada iyo qaranimada dhiiga badani ku daatay loona soo huray naf iyo maal.
Mahadsanidin
Haile
Comments
Post a Comment