QARANIMO QOF IYO QABYAALAD MAAHA

HORDHACA MAQAALKA IYO ARAGTIDA QORAAGA

Soomaaliya waa dal ku yaala geeska afrika leh bado iyo wabiyo, leh qayraad isugu jira Beero, Kaluun iyo Xoolo. Asal ahaan dadka Soomaalidu waa dad ku abtirsada xoolo dhaqato ama beero qodoto iyo inkaloo kaluun jalaabato layiraahdo, waa dad runtii aad ay ugu wayn tahay qabyaaladu, qabyaaladuna waxa ay kala wayntahay dadkaas aan soo sheegay qaranimada, hadaba qormada maanta aan idin hayo waxay ku saabsan tahay doodo baryahanba laysla dhex marayay oo ahaa QOF AMA QARAN oo ay kuu muuqanayso in ay ku qarsanayd QABYAALAD loo galinayo shaati QARANIMO. Bal haddaba anu si hoose u qaabayno QOF ama QARAN micnaha ay yeelanayso ama QABYALADA QARAMAYSAN iyana micnaha ay yeelanayso

DOODA QORAAGA

QOF ama QARAN micnaha ay yeelanayso waa ka soo tag saaxiibkaa una tanaazul qaranka, runtii waa hadal dhaxal gal ah haddii la isla fahmana ay keeni karto in loo wada guntado qaranimo balse aragtidaydu ma ahan sidaa oo meesha wax kale ayaa iiga muuqdaa QOFkan horta sidiisaba waa qof caynkee ah, Qof ajanabi ahbaa?, Maqof aan maamulka ku jirin oo calooshi u shaqaystebaa? ma qof siyaasi ah oo mucaarad ku ah maamulka jira markaasbaa?.

Horta sideedaba QABYAALADI waa midda aan ku gaari waynay dadnimo iyo dal jira oo dunidi oo dhami inooga hortmartay, Haddaba Qabyaaladi ma qaramaysantaa? tusaale haddii qabiilkaygu uu waayo booskiisa qaranimo maanay Jiri karayninba? haddi hogaamiye fashil ah oo aan haynin dan dal iyo mid dadba jagadiisa uu waayo qabiilku miyuu baba'ayaa oo gabariba kama soo harayso miyaaa?

waa yaab waa waxyaabaha ina haysta, manta hadii aanu ka hadalno jiritaanka ummadan soomaaliga ah waxaa ay noqonaysaa in la is waydiiyo horta aaynu dhagaysano qofkan waxa uu ka hadlayee qabiilkiisu waa kuma? waa reer hebel war inaga daa kuwaas waxba lagama dhagayso amaba waa reer hebel war waa gob kuwas oo waa reer boqor micnaha waa reerkiisa.

waxaan rabaa ilbaxnimada ay qabyaaladi leedahay iyo waliba qaababka loogu kala isticmaalo gobolada soomaalida inaan iyana wax xooga ah ka bidhaamiyo.

NUXURKA QORMADA
SOMALILAND SOOMAALIYA  

TAARIKHDA
Somaliland amaba gobolada waqooyi e soomaaliya waa dhul horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaaray Geeska Africa ee ah hadda Jamhuuriyada soomaaliya waxa looyaqaanay dhulkii saylac ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa gobolada waqooyi ee soomaaliya. 

AMAANKA
Dhulkaan aan taariikhdiisa ka sheekeynayo waa dhul aad u nabdoom marka laga eego soomaaliya inteeda kale waa dhul ay ka dhacdo doorashooyin ay dadku doortaan qofka ay rabaan sida ay rabtaba ha ku dhacdee markaa.

SIYAASADA
Doorashooyinka mar aan waraystay dad aqoonyahano ah oo ku xeel dheer gobolada waqooyi ee soomaaliya amaba soomaaliland waxa ay ii shegeen in ay dadku wax ku doortaan qaab farsameysan (Qabiil) ama nin jeclaysi tuusaale waxaad arkaysaa dadku marka ay doorashadu jirto in ay ku doortaan oday dhaqameedku calaamada uu u shego waa hadii aanu wax aqriyin oo ah in ay xisbiyadu isticmaalaan calaamado sida, GEED, GEEL, WAN ama BADHAADH iyo wax nuucaas ah oo micneheedu yahay in ninka reerkooda ahi uu calaamadas lagu aqoonsan karo sidaana ay ku yimaadeen dhamaan asxaabta siyaasada iyo dhamaan maamulada gobalada dhamantood.

CADAALADA
Waxaa jira cabashooyin badan oo ay samaynayaan dadka degan goboladaas oo ay sheganayaan sadbursi, micnaheeduna uu yahay in aanu helin qabiilkiisu waxa uu mudnaa balse aanay fiirinin amaba aanu danka lahayn maamulka iyo hanaanka dowlad goboleed ee halkaa ka jirta. Dhanka kale markii laga eego xisbiyada iyo hogaankooda waxaa lagu ekeeyay sida looheli karo codadka dadka looguna salayn lahaa awood qabiilaysi ku dhisan tusaale xisbiga mucaaradka ee WADANI waxaa hogaamiya gudoomiyaha baarlamanka soomaaliland Abdirahman Mohamed (cirro), xisbiga mucaaradka ah ee UCID Engineer Faysal Cali Warabe, iyo xisbiga laysku haysto hadda ee KULMIYE oo uu hogaamiyo madaxwaynaha hadda jira ee Ahmed Mohamed Silaanyo, haddii aad hogaamiye yaashan aad ugusii fiirsato waxa kusoo baxaya soomaalidu in aanay marnaba qabiil ka madaxbanaaneen oo intooduba waxay kasoo jeedaan hal reer taas oo uu qabiil walbana  rabo in uu helo sida qabiilka kaleba u meesha ugu sareeysa hiigsado isaga oo aan eegin wax dan dal iyo dad toona.

PUNDLAND SOOMAALIYA

TAARIIKHDA  
Bartimihii 1998 waxaa lamagacaabay dowlad goboleed lagu magacaabo Dowlad Goboleedka Puntland ee Somalia, Inkasta oo gumaystaha ka hor bulshada soomaaliyeed aysan lahayn Dowlad dhexe oo dhisan iyo xuduudo cayiman, haddana waxaa jiray hab qabiilaysi ah oo loo deganaa, haddaba Gobolada Waqooyi bari waxay lahaayeen qaab nidaam oo u abaabulan qaab qabiil, ilaa bilowgii qarnigii 19aad, kuwaas oo lagu magacaabi jiray sida, Boqortooyadii Majeerteenya (1901-1927) oo ka dhisnayd Gobolada bari iyo nugaal, Boqortooyada Sanaag Bari (1896-1925) Nidaamyadaas uma dhisnayn qaab maamul dowladeed, laakiin waxay lahaayeen maamul iyo ciidan dhisan oo ka ilaaliya qabiilada kale eek u dhaw dhaw oo ay uga baqdin qabaan nabdgelyada degmooyinkaa, iyo hantida Arimaha bulshada oo lakala qaadan jiray.

AMAANKA
Dhulkaan aan taariikhdiisa ka sheekeynayo waa dhul aan gaaraynin dhanka amaanka qobolada waqooyi balse dhaama gobolada koonfureed marka laga eego soomaaliya inteeda kale waa dhul ay ka dhacdo doorashooyin balse aanay tayo badnayn dadku ma doortaan qofka ay rabaan balse waxaa jira oday dhaqameedyo soo dhoodhoba hadba sida ay u arkaan markaa.

SIYAASADA iyo CADALADA
Haddaba markaan dib u milicsano maamul goboleedkan waxaa soo maray hogaamiye yaal rug cadaa ah waxaana kamid ah hogaamiyayashaas madaxwaynihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee soomaaliya mudane Abdilaahi Yusuf Ahmed, Jamac Ali Jamac, Cadde Muuse, Abdirahman Faroole iyo madaxwaynaha iminka mudane Abdiwali Gaas ahaana Raisal wasaarihii dowladii kumeel gaarka ahayd uuna madaxwaynaha ka ahaa Sheik Shariif Sheik Ahmed, haddaba si lamid ah sida aan kor kusoo sheegnay maamulka soomaaliland waxay wadaagaan dhamaan hogaamiya yaashan waxay kasoo jeedaan hal reer, dadka kale ee deegaankuna ma eegaaan waxqabadka hogaamiyaha e waxa ay ku taaman mar walba in ay iyana gaaraan booska ugu sareysa ee madaxwaynaha cabashadooduna waa mid mar walba taagan, mar walbana qabiilku waxa uu eegaa in uu isaga miraayada iska arko balse aan laga fakarin danta Dalka iyo Degaanka markaa lamaamulayo.

KOONFURTA SOOMAALIYA

TAARIIKHDA
Koonfuta soomaaliya waxaa loo yaqaanaa markii la isku daro gobolada dhexe, shabeelooyinka, bay iyo bokool, iyo jubooyinka iyo gedo, waana dhulka ugu badan ee waxsoosaarka beeraha iyo xoolahaba aad looga isticmaalo soomaaliya inteeda kale, dhulkan waxaa soo maray boqortooyin ka horeeyay gumaystihii dalka soo galay, waxa mara koofurta laba wabe ee soomaaliya leedahay ee wabiga jubba iyo shabeele waana qayraadka muuqda ee hadda soomaaliya leedahay markii laga fiiriyo dhanka waxsoosaarka.

SIYAASADA iyo AMAANKA
Dagaaladii sokeeyay ee soomaaliya waxay intooda badan ka dhacayeen koonfurta iyo bartamaha soomaaliya kasoo bilow koonfurta gaalkacyo ilaa gobolka gedo, dagaaladaas aan dhamaadka laheen.waxay bilaameen 1991di. Dagaalkaan waxuu dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan lagu soo gaaray muddo 20sano ah. Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale wuu isa soobedelaayay waxa uuna ku fiday gobol, degmo ilaa tuulo waxaana lagu dagaalamay qabiil heer uu gaaray in laysku laayo reer reer, juffo juffo, jilib jilib ilaa ina adeer iyo inadeer ay is dilaan. Kasoo guduboo maanta dagaalka waxuu u dhaxeeyaa, dowlad aad isu haysta madaxdeeduna ay rabto in uu midba midka kale ka saaro meesha iyo arkagixiso rabto in ee dalka qabsato. Soomaaliya codkeeda mala maqli jirin.Wixii ka danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay intaa kadib gaar ahaan koofurta soomaaliya ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo taageero u fidinaya Dawladda maanta jirta ee aan ahayn kumeel gaarka iyo kuwii kasii horeeyay oo kumeel gaar ahaaba. dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu ahaa mid maslaxad kusalaysan, sababtuna wax kale ma ahayne qabiil walbaahi waxa uu rabay markaa saldanada u muuqatay o ahayd in uu bal uu iska arko miraayada oo madaxwayne uu noqdo iyada oo aan lagaba war haynin Dal iyo dad toona. Haddi aad dib u eegto dagaaladaas waxay u dhaxeeyeen qabiilo midba midka kale uu ku tijaabinayay hadba hubka uu kasoo helo dowladaha deriska ah, waliba isaga oo doonaya inuu hogaamiyo dalka intiisa kale, ilaa markii danbe ay lasoo gaarto meel laga qaban kari waayo.

ISKU SOO WADA DUUB GUUD AHAAN SOOMAALIYA

Waxaad moodaa in madaxda dalku aanay ku cibro qaadanin amaba ay iska hilmaameen dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray haba u kala badnaadano goboladuye gaar ahaan mudadii dhawrka iyo labaatanka sano ahayd ee lasoo dhaafay ee koofurta, mararka qaarba waxaa kugu soo dhacaya in aanuba dhamaanin dagaalkii sokeeye guud ahaan soomaaliya markaad milicsato dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo waliba dhanka maamul wanaaga. Haddaba madaxwayne xassan sheikh waxa u door biday in uu si aan ganbasho lahayn uga horyimaado isku shaandhayntii wasiirada ee uu sameeyay raisal wasaaraha soomaaliya ee mudane abdiwali sheik, dhanka kale raisal wasaaruhu isana maanu kasamaynin tanazulaad goankiisi ahaa isku shaandhaynta oo aad moodo in uu ku qotomo shaqsi (Faarah Abdulkadir) wasiirka cadaalada iyo dastuurka ee dowlada federalka soomaaliya. Dhanka kale markaan u laabano maamul goboleedyada waxaa soo baxay hanjabadyo ay isu marinayaan siyaasiyintu dhanka idaacdaha warka faafiya oo aad mararka qaarba ku siganayso inad moodo dagaal inuu bilawday, taasina aanay dan ugu jirin dadka iyo dalka gaar ahaan gobolada xasiloon guud ahaan soomaaliya.

Haddaba is qabqabsigaan ay madaxda dowladu samaysay waxa ay horsed ka dhigtay in maamul goboleedyadii aanu islahayn waxay leeyihiin qibrad ku filan oo dhanka maamulka ah iyo aqoon maadi ahba, iyagiina ku wado ay noqdaan sababtayna in ay lakala saftaan madaxdii dowlada federalka ah iyaga oo waliba muujinaya caadifad qabiil, kuwo kalena iyagii dhexdooda is qabqabsadaan amaba hanjabaadyo isu mariyaan warbaahinada intaa waxaa kasii daran in baarlamanadi deeganka iyo kii soomaaliyaba oo ahaa sharci dajiyayaasha iyo meesha ugu danbeeysa ee xalin lahayd qilaafyadas ay gabi ahaanba isu bedelaan meelo fadhi kudirir ah oo waliba lagu kala sharaxo nin jeclaysiga iyo qabyaaladaha.

 GUNAANADKA IYO SOOKOOBIDA QORMADA
Hadaba waxan doonayaa inaan kusoo gaba gabeeyo qormadaydan aan ugu magac daray, QARANIMO QOF IYO QABYALAD MAAHA laba gabay oo ay kala tiriyeen abwaanada soomaaliyeed ee kala ah Dhamac Gaariye alleha u naxariistee iyo abwaan SUGILE:-

Abwan Mohamed Hashi Dhamac Gaariye
Aaminaay waan gabyayaa          nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf leeyahay                Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay maanta                ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii                          ibtilaa dhici doonta
Dhulkay eyro ku fooftana          Afrikaan madmadowiyo
ajnabaa degi doona                     iyagaa talin doona
Organkaad didiseen baa             dib idiin qabsan doonoo
Dharaar baa iman doonta           engag layskugu xiira
oo heeca diida ilmaha                qasab loo aqbalsiiyo
ciyowgaa alwanaayiyo               tukahaa uuda hayaana
way is calool ogyihiinoo            Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey                haddii aan wax aqaano

Abwaan Sugaal Abdule isaguna waxaa uu yidhi
Soomaali badaneey-bulashadii wacnaydeey-intaan ba iyo hoog iyo boqon gooyo wayn dhicin-Baaxadiinu kala tagin-wadankeena baadka leh dhawr baarta laga dhigin-waa bilic xuriyadu intaan magacu baabi'in-intaan balo gudeeysoo biriqdiyo gantaalaha soo butaacinaysoo buuraha ka xoog badan baarshuud kusoo deign-gumeysigaa balaadhanoo baqolaha kusoo jira bulshadoo midowdiyo hadaan baaxad loo helin ruuxna kama baxsanayeee-adinoo bil gayd iyo barfisoora miirana-intaydaan bisado noqon-intaan baduhu kala goin-barigana lakala jarin-soohdin soohdin nala badin-umad aan bislayn iyo gobaylsi baa haa qaranimo burburiyee-intaan beelba meel xiran-bahdu kala ajnabi noqon-midnimadu ku beed goin-boosaaso iyo bari baasabooro lagu galin-inta aan berbera iyo baki iyo sanaag iyo burco iyo hargaisaba bartii shalay kunoqonoo-barbaradu kuwada dayan-nacabkuna bishaarayn-bartamaha dhulkeeniyo intaan beerihii gedo atoo baqala soo degin-intaan bakool iyo bu'aale iyo kismaayo laysla boodin baydhaba-muqdisho iyo baraawiyo balcad iyo wardhiigley intaan laysku babi'in-intaan beelo wada dega balaayana ka taagneen buush iyo ciraaq iyo booliskii yahuuda iyo baytu laxam an laga dhigin-ilaa ba iyo hogaas kabaraarugtaanoo bulshooy ka hortagtaan baan idinku boorinayaa-hadii kale bi'iniyo waxad beegsan doontaan baadari la tuugiyo baadhil idin gumaystee-waxaad maanta bi'isaan bari ha u shalaayina


Mahadsanidin waxii fariimo ah waan gudoomayaa waxaad igu soo dir kartaan bartaydan iyo adinka oo isticmaalaya emialkayga ah abdihaile@hotmail.com

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Talooyin

DHAQAN AMA DASTURI

Saxibkeey iyo Madaxwaynuhu Maxay kukala duwanyihiin