QARANIMO QOF IYO QABYAALAD MAAHA
HORDHACA MAQAALKA IYO
ARAGTIDA QORAAGA
Soomaaliya waa dal ku yaala geeska afrika leh bado iyo
wabiyo, leh qayraad isugu jira Beero, Kaluun iyo Xoolo. Asal ahaan dadka
Soomaalidu waa dad ku abtirsada xoolo dhaqato ama beero qodoto iyo inkaloo
kaluun jalaabato layiraahdo, waa dad runtii aad ay ugu wayn tahay qabyaaladu,
qabyaaladuna waxa ay kala wayntahay dadkaas aan soo sheegay qaranimada, hadaba
qormada maanta aan idin hayo waxay ku saabsan tahay doodo baryahanba laysla
dhex marayay oo ahaa QOF AMA QARAN oo ay kuu muuqanayso in ay ku qarsanayd
QABYAALAD loo galinayo shaati QARANIMO. Bal haddaba anu si hoose u qaabayno QOF
ama QARAN micnaha ay yeelanayso ama QABYALADA QARAMAYSAN iyana micnaha ay
yeelanayso
DOODA QORAAGA
QOF ama QARAN micnaha ay yeelanayso waa ka soo tag
saaxiibkaa una tanaazul qaranka, runtii waa hadal dhaxal gal ah haddii la isla
fahmana ay keeni karto in loo wada guntado qaranimo balse aragtidaydu ma ahan
sidaa oo meesha wax kale ayaa iiga muuqdaa QOFkan horta sidiisaba waa qof
caynkee ah, Qof ajanabi ahbaa?, Maqof aan maamulka ku jirin oo calooshi u
shaqaystebaa? ma qof siyaasi ah oo mucaarad ku ah maamulka jira markaasbaa?.
Horta sideedaba QABYAALADI waa midda aan ku gaari waynay
dadnimo iyo dal jira oo dunidi oo dhami inooga hortmartay, Haddaba Qabyaaladi
ma qaramaysantaa? tusaale haddii qabiilkaygu uu waayo booskiisa qaranimo maanay
Jiri karayninba? haddi hogaamiye fashil ah oo aan haynin dan dal iyo mid dadba
jagadiisa uu waayo qabiilku miyuu baba'ayaa oo gabariba kama soo harayso
miyaaa?
waa yaab waa waxyaabaha ina haysta, manta hadii aanu ka
hadalno jiritaanka ummadan soomaaliga ah waxaa ay noqonaysaa in la is waydiiyo
horta aaynu dhagaysano qofkan waxa uu ka hadlayee qabiilkiisu waa kuma? waa reer
hebel war inaga daa kuwaas waxba lagama dhagayso amaba waa reer hebel war waa
gob kuwas oo waa reer boqor micnaha waa reerkiisa.
waxaan rabaa ilbaxnimada ay qabyaaladi leedahay iyo
waliba qaababka loogu kala isticmaalo gobolada soomaalida inaan iyana wax xooga
ah ka bidhaamiyo.
NUXURKA QORMADA
SOMALILAND SOOMAALIYA
TAARIKHDA
Somaliland amaba gobolada waqooyi e
soomaaliya waa dhul horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo
cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka
giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo
magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaaray Geeska
Africa ee ah hadda Jamhuuriyada soomaaliya waxa looyaqaanay dhulkii saylac
ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa gobolada waqooyi ee
soomaaliya.
AMAANKA
Dhulkaan aan taariikhdiisa ka sheekeynayo waa dhul aad u
nabdoom marka laga eego soomaaliya inteeda kale waa dhul ay ka dhacdo
doorashooyin ay dadku doortaan qofka ay rabaan sida ay rabtaba ha ku dhacdee
markaa.
SIYAASADA
Doorashooyinka mar aan
waraystay dad aqoonyahano ah oo ku xeel dheer gobolada waqooyi ee soomaaliya
amaba soomaaliland waxa ay ii shegeen in ay dadku wax ku doortaan qaab farsameysan (Qabiil) ama nin jeclaysi tuusaale waxaad arkaysaa
dadku marka ay doorashadu jirto in ay ku doortaan oday dhaqameedku calaamada uu
u shego waa hadii aanu wax aqriyin oo ah in ay xisbiyadu isticmaalaan calaamado
sida, GEED, GEEL, WAN ama BADHAADH iyo wax nuucaas ah oo micneheedu yahay in
ninka reerkooda ahi uu calaamadas lagu aqoonsan karo sidaana ay ku yimaadeen
dhamaan asxaabta siyaasada iyo dhamaan maamulada gobalada dhamantood.
CADAALADA
Waxaa jira cabashooyin badan oo ay samaynayaan dadka
degan goboladaas oo ay sheganayaan sadbursi, micnaheeduna uu yahay in aanu
helin qabiilkiisu waxa uu mudnaa balse aanay fiirinin amaba aanu danka lahayn
maamulka iyo hanaanka dowlad goboleed ee halkaa ka jirta. Dhanka kale markii
laga eego xisbiyada iyo hogaankooda waxaa lagu ekeeyay sida looheli karo
codadka dadka looguna salayn lahaa awood qabiilaysi ku dhisan tusaale xisbiga
mucaaradka ee WADANI waxaa hogaamiya gudoomiyaha baarlamanka soomaaliland
Abdirahman Mohamed (cirro), xisbiga mucaaradka ah ee UCID Engineer Faysal Cali
Warabe, iyo xisbiga laysku haysto hadda ee KULMIYE oo uu hogaamiyo madaxwaynaha
hadda jira ee Ahmed Mohamed Silaanyo, haddii aad hogaamiye yaashan aad ugusii
fiirsato waxa kusoo baxaya soomaalidu in aanay marnaba qabiil ka madaxbanaaneen
oo intooduba waxay kasoo jeedaan hal reer taas oo uu qabiil
walbana rabo in uu helo sida qabiilka kaleba u meesha ugu sareeysa
hiigsado isaga oo aan eegin wax dan dal iyo dad toona.
PUNDLAND SOOMAALIYA
TAARIIKHDA
Bartimihii 1998 waxaa lamagacaabay dowlad goboleed lagu
magacaabo Dowlad Goboleedka Puntland ee Somalia, Inkasta oo gumaystaha ka hor
bulshada soomaaliyeed aysan lahayn Dowlad dhexe oo dhisan iyo xuduudo cayiman,
haddana waxaa jiray hab qabiilaysi ah oo loo deganaa, haddaba Gobolada Waqooyi
bari waxay lahaayeen qaab nidaam oo u abaabulan qaab qabiil, ilaa bilowgii
qarnigii 19aad, kuwaas oo lagu magacaabi jiray sida, Boqortooyadii Majeerteenya
(1901-1927) oo ka dhisnayd Gobolada bari iyo nugaal, Boqortooyada Sanaag Bari
(1896-1925) Nidaamyadaas uma dhisnayn qaab maamul dowladeed, laakiin waxay
lahaayeen maamul iyo ciidan dhisan oo ka ilaaliya qabiilada kale eek u dhaw
dhaw oo ay uga baqdin qabaan nabdgelyada degmooyinkaa, iyo hantida Arimaha
bulshada oo lakala qaadan jiray.
AMAANKA
Dhulkaan aan taariikhdiisa ka sheekeynayo waa dhul aan gaaraynin dhanka amaanka qobolada waqooyi
balse dhaama gobolada koonfureed marka laga eego soomaaliya inteeda kale waa
dhul ay ka dhacdo doorashooyin balse
aanay tayo badnayn dadku ma
doortaan
qofka ay rabaan balse waxaa jira oday
dhaqameedyo soo dhoodhoba hadba sida ay u arkaan markaa.
SIYAASADA iyo CADALADA
Haddaba markaan dib u milicsano maamul goboleedkan waxaa
soo maray hogaamiye yaal rug cadaa ah waxaana kamid ah hogaamiyayashaas
madaxwaynihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee soomaaliya mudane
Abdilaahi Yusuf Ahmed, Jamac Ali Jamac, Cadde Muuse, Abdirahman Faroole iyo
madaxwaynaha iminka mudane Abdiwali Gaas ahaana Raisal wasaarihii dowladii
kumeel gaarka ahayd uuna madaxwaynaha ka ahaa Sheik Shariif Sheik Ahmed,
haddaba si lamid ah sida aan kor kusoo sheegnay maamulka soomaaliland waxay
wadaagaan dhamaan hogaamiya yaashan waxay kasoo jeedaan hal reer, dadka kale ee
deegaankuna ma eegaaan waxqabadka hogaamiyaha e waxa ay ku taaman mar walba in
ay iyana gaaraan booska ugu sareysa ee madaxwaynaha cabashadooduna waa mid mar
walba taagan, mar walbana qabiilku waxa uu eegaa in uu isaga miraayada iska
arko balse aan laga fakarin danta Dalka iyo Degaanka markaa lamaamulayo.
KOONFURTA SOOMAALIYA
TAARIIKHDA
Koonfuta soomaaliya
waxaa loo yaqaanaa markii la isku daro gobolada dhexe, shabeelooyinka, bay iyo
bokool, iyo jubooyinka iyo gedo, waana dhulka ugu badan ee waxsoosaarka beeraha
iyo xoolahaba aad looga isticmaalo soomaaliya inteeda kale, dhulkan waxaa soo
maray boqortooyin ka horeeyay gumaystihii dalka soo galay, waxa mara koofurta
laba wabe ee soomaaliya leedahay ee wabiga jubba iyo shabeele waana qayraadka
muuqda ee hadda soomaaliya leedahay markii laga fiiriyo dhanka waxsoosaarka.
SIYAASADA iyo AMAANKA
Dagaaladii sokeeyay ee soomaaliya waxay intooda
badan ka dhacayeen koonfurta iyo bartamaha soomaaliya kasoo bilow koonfurta
gaalkacyo ilaa gobolka gedo, dagaaladaas aan dhamaadka laheen.waxay
bilaameen 1991di. Dagaalkaan waxuu dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol
la'aan lagu soo gaaray muddo 20sano ah. Dagaalada intaas oo sano soo jiray,
maalinbo maalinteeda kale wuu isa soobedelaayay waxa uuna ku fiday gobol, degmo
ilaa tuulo waxaana lagu dagaalamay qabiil heer uu gaaray in laysku laayo reer
reer, juffo juffo, jilib jilib ilaa ina adeer iyo inadeer ay is dilaan. Kasoo
guduboo maanta dagaalka waxuu u dhaxeeyaa, dowlad aad isu haysta madaxdeeduna
ay rabto in uu midba midka kale ka saaro meesha iyo arkagixiso rabto in ee
dalka qabsato. Soomaaliya codkeeda mala maqli jirin.Wixii ka
danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay intaa kadib gaar ahaan koofurta
soomaaliya ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo
taageero u fidinaya Dawladda maanta jirta ee aan ahayn kumeel gaarka iyo kuwii
kasii horeeyay oo kumeel gaar ahaaba. dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu
ahaa mid maslaxad kusalaysan, sababtuna wax kale ma ahayne qabiil walbaahi waxa
uu rabay markaa saldanada u muuqatay o ahayd in uu bal uu iska arko miraayada
oo madaxwayne uu noqdo iyada oo aan lagaba war haynin Dal iyo dad toona. Haddi
aad dib u eegto dagaaladaas waxay u dhaxeeyeen qabiilo midba midka kale uu ku
tijaabinayay hadba hubka uu kasoo helo dowladaha deriska ah, waliba isaga oo
doonaya inuu hogaamiyo dalka intiisa kale, ilaa markii danbe ay lasoo gaarto
meel laga qaban kari waayo.
ISKU SOO WADA DUUB GUUD
AHAAN SOOMAALIYA
Waxaad moodaa in madaxda dalku aanay ku cibro qaadanin
amaba ay iska hilmaameen dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray haba u kala badnaadano goboladuye gaar ahaan
mudadii dhawrka iyo labaatanka sano ahayd ee lasoo dhaafay ee koofurta, mararka qaarba waxaa kugu
soo dhacaya in aanuba dhamaanin dagaalkii sokeeye guud ahaan soomaaliya markaad milicsato dhanka
siyaasada, dhaqaalaha iyo waliba dhanka maamul wanaaga. Haddaba madaxwayne xassan sheikh waxa u door biday in uu si aan ganbasho lahayn uga
horyimaado isku shaandhayntii wasiirada ee uu sameeyay raisal wasaaraha
soomaaliya ee mudane abdiwali sheik, dhanka kale raisal wasaaruhu isana maanu kasamaynin
tanazulaad goankiisi ahaa isku shaandhaynta oo aad moodo in uu ku qotomo shaqsi (Faarah Abdulkadir) wasiirka cadaalada iyo dastuurka ee dowlada
federalka soomaaliya. Dhanka kale markaan u
laabano maamul goboleedyada waxaa soo baxay hanjabadyo ay isu marinayaan
siyaasiyintu dhanka idaacdaha warka faafiya oo aad mararka qaarba ku siganayso
inad moodo dagaal inuu bilawday, taasina aanay dan ugu jirin dadka iyo dalka
gaar ahaan gobolada xasiloon guud ahaan soomaaliya.
Haddaba is qabqabsigaan ay madaxda dowladu samaysay waxa
ay horsed ka dhigtay in maamul goboleedyadii aanu islahayn waxay leeyihiin
qibrad ku filan oo dhanka maamulka ah iyo aqoon maadi ahba, iyagiina ku wado ay noqdaan sababtayna in ay lakala saftaan madaxdii dowlada federalka
ah iyaga oo waliba muujinaya caadifad qabiil, kuwo kalena iyagii dhexdooda is qabqabsadaan amaba hanjabaadyo isu
mariyaan warbaahinada intaa waxaa kasii daran in baarlamanadi deeganka iyo kii soomaaliyaba oo ahaa sharci dajiyayaasha iyo meesha ugu danbeeysa ee xalin lahayd
qilaafyadas ay
gabi ahaanba isu bedelaan meelo fadhi kudirir ah oo waliba lagu kala sharaxo
nin jeclaysiga iyo qabyaaladaha.
GUNAANADKA IYO SOOKOOBIDA QORMADA
Hadaba waxan doonayaa
inaan kusoo gaba gabeeyo qormadaydan aan ugu magac daray, QARANIMO QOF IYO
QABYALAD MAAHA laba gabay oo ay kala tiriyeen abwaanada soomaaliyeed ee kala ah
Dhamac Gaariye alleha u naxariistee iyo abwaan SUGILE:-
Abwan Mohamed Hashi
Dhamac Gaariye
Aaminaay waan
gabyayaa nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf
leeyahay Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay
maanta ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta
Dhulkay eyro ku
fooftana Afrikaan madmadowiyo
ajnabaa degi doona iyagaa
talin doona
Organkaad didiseen
baa dib idiin qabsan doonoo
Dharaar baa iman
doonta engag layskugu xiira
oo heeca diida
ilmaha qasab loo aqbalsiiyo
ciyowgaa
alwanaayiyo tukahaa uuda hayaana
way is calool
ogyihiinoo Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey haddii
aan wax aqaano
Abwaan Sugaal Abdule
isaguna waxaa uu yidhi
Soomaali
badaneey-bulashadii wacnaydeey-intaan ba iyo hoog iyo boqon gooyo wayn dhicin-Baaxadiinu
kala tagin-wadankeena baadka leh dhawr baarta laga dhigin-waa bilic xuriyadu
intaan magacu baabi'in-intaan balo gudeeysoo biriqdiyo gantaalaha soo
butaacinaysoo buuraha ka xoog badan baarshuud kusoo deign-gumeysigaa balaadhanoo
baqolaha kusoo jira bulshadoo midowdiyo hadaan baaxad loo helin ruuxna kama
baxsanayeee-adinoo bil gayd iyo barfisoora miirana-intaydaan bisado
noqon-intaan baduhu kala goin-barigana lakala jarin-soohdin soohdin nala badin-umad
aan bislayn iyo gobaylsi baa haa qaranimo burburiyee-intaan beelba meel xiran-bahdu
kala ajnabi noqon-midnimadu ku beed goin-boosaaso iyo bari baasabooro lagu
galin-inta aan berbera iyo baki iyo sanaag iyo burco iyo hargaisaba bartii
shalay kunoqonoo-barbaradu kuwada dayan-nacabkuna bishaarayn-bartamaha
dhulkeeniyo intaan beerihii gedo atoo baqala soo degin-intaan bakool iyo
bu'aale iyo kismaayo laysla boodin baydhaba-muqdisho iyo baraawiyo balcad iyo
wardhiigley intaan laysku babi'in-intaan beelo wada dega balaayana ka taagneen
buush iyo ciraaq iyo booliskii yahuuda iyo baytu laxam an laga dhigin-ilaa ba
iyo hogaas kabaraarugtaanoo bulshooy ka hortagtaan baan idinku boorinayaa-hadii
kale bi'iniyo waxad beegsan doontaan baadari la tuugiyo baadhil idin gumaystee-waxaad
maanta bi'isaan bari ha u shalaayina
Mahadsanidin
waxii fariimo ah waan gudoomayaa waxaad igu soo dir kartaan bartaydan iyo
adinka oo isticmaalaya emialkayga ah abdihaile@hotmail.com
bititralta_1997 Lawrence Kormos click here
ReplyDeletebeisyndcovil